|

Ergadii madaxweynaha la kulantay oo faro-madhan kalasoo noqday

Ergo is xilqaantay oo la kulmay madaxweynaha Somaliland isla markaana dhex dhexaadin waday ayaa faro madhan iyo waji gabax kala kulmay madaxweyne Muuse Biixi.

Ergadu waxay ahaayeen cuqaal, salaadiin, culimo iyo wax garad kale oo rabay in ay xaliyaan khilaafka dhex yaala mucaaradka iyo muxaafadka.

Qurbejoog ayay u xaqiijiyeen ilo wareedyo kulanka ka ag dhawaa in Muuse Biixi odayaasha u sheegay in aanay shaqadooda ahayn dhex dhexaadintu, balse uu uga mahad celinayo dedaalka ay sameeyeen.

Muuse Biixi wuxuu xusay in ergadu ay dibadda ka noqoto murankan oo dhinacyo Guurtidu ka mid tahay uu ku riixay.

Arintan ayaa ka dhigan in ay dib u bilaabmayaan dibad baxyadii mucaaradku, iyadoo la filayo khilaaf mar kale sii cakirma.

Comments are closed