Ottawa Oct 07,2014(SDN/QJ)-Ergeyga gaarka ah ee dalada Mucaaridka ah ee USN Md Cabdiraxmaan Cadhoole ayaa kulan taarikhi ah la yeeshay masuuliyiinta wasaarada arrimaha dibedda ee dalkan Canada.
Labada dhan ayaa sida uu noo sheegay Ergeyga USN waxa ay isla soo qaadeen doorka ay jaaliyada reer Jabuuti ee Canada ka ciyaari kareyso isu soo dhaweynta labada dal.
Sidoo kale waxa la isla qaatay in Canada ay axsaabta dalka Jabuuti kala shaqeyso sidii xaaladaha ka jira Geeska Africa wax looga qaban kari lahaa.
Ma aha markii u horeysay ee uu ergeyga Canada ee USN uu kulamo noocan oo kale ah la yeesho madaxda kala duwan ee dalkan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Canada.
Dawlada Canada ayaa u muuqata in haatan ay u soo jeesatay sidii ay xiriir dhaw ula yeelan lahaeyd Jaaliyada reer Jabuuti iyo madaxda dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN.
Kulanka uu ergeyga USN la yeeshay madaxda xafiiska wasaarada arrimaha dibedda ee Canada u qaabilsan Geeska Africa waxa ku weheliyay Siyaasi Maxamed Yusuf Rabaash oo ka mida guddida sare ee dalada Mucaaridka Jabuuti.
SDN/QJ-Ottawa
