Uncategorized

Madaxwayne Siiranyo Ku Dhawaqay Xubanaha Komishan Dorashoyinka Kuna Daray Xubno Ka Mida Goalah Dhaxe Xisbiga Kulmiye Wadina Markii Labaad Ku Celiyey Xubintisi

habo

Hargeisa (SDN/QJ)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),ayaa markii u horeysay soo bandhigay Lix Xubnood oo kamid ah Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka,maadaama uu kala direy Xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka,iyadoo ay laba kamid ah soo dhigeen Golaha Guurtida Somaliland halka sadex kalena uu keenay isagu(Madaxweyne-siilaanyo),iyo Xubin Xisbiga Ucid usoo xulay Komishanka oo uu duuduub ku qaatey

Hadaba Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhinaca kale markii labaad dib usoo celiyay Xubintii Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani usoo xuleen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee Cusub Dr Fadal  taas oo dad badani siweyn uga biyo diideen asbaabaha la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u cuskadey in aanu buuxinin Shuruudihii looga baahnaa maadaama ay jiraan Xubno katirsan xubnihii Golah
Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo hada kujira lixda xubnood ee uu soo gudbiyay sida Cabdiqaadir Iimaan iyo Maxamed Jaamac Maxamed, oo aan midkoodna iska casilin Xubinimadii Xisbigaasi, waxaana wararku tibaaxeen in labadan Xubnood oo midna kamid yahey raga Madaxweynuhu soo xulay midna kamid yahey,raga Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan soo xulay in ay kujireen liisaskii xubnaha Golaha Dhexe ee uu qaarkood soo saari jirey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye kuwa kalena, ay soo saareen xubnihii Golaha Wasiirada mana jirto meel ay ku sheegeen in ay iska caisleen xubinimadaasi.
Sikastaba ha ahaatee,waxa ay dad badani isweydiinayaan, sababta uu Madaxweyne Siilaanyo uga biyo diiday Dr Fadal oo uu tiraba laba jeer dib ugu celiyay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani halka taas oo ay dad badani u macneysteen, in uu Madaxweynuhu Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani uga fadhiyo in uu la ogaado Xubinta ay usoo xulayaan Komishanka ama uu damacsan yahey in uu gacantiisa ugu dooro.