|

Faallo ku saabsan Wareysiga dharka ka dhigay Fahad!!!! Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya (NISA)

Ugu horreyn, waxaan akhristayaasha qoraalkaan u sheegaya inay igu adkaatay sugidda saddexda magaca ee rasmi ahaan loogu yeeri karo Agaasmihii hore ee NISA.
Qof mas’uul ah ma lahaan karo dhawr magac. Hadda ka hor, Warbaahinta Keyna waxay qortay war sheegaya in hay’adaha Ammaanka baarayaan baasaborro magacyo is khilaafsan ku qoran yihiin oo sawirka Fahad!!! ku wada dheggan yihiin.
Sida wareysiga uu ku sheegay, Fahad!!! wuxuu caddeeyay inuu leeyahay labada magac oo kala ah:
*Fahad Yaasin Xaaji Daahir,
*Fahad Axmed Dahir
Wuxuu kaloo caddeeyay in beddelka Fahad!!! lagu magacaabo Cabdiraxman, isla markaana uusan waxba ka qabin in lagu magacaabo “Abu Cammaar.”
Fahad!!! wuxuu ammaanay, una duceeyay hooyadiis, wuxuuna ka gaabsaday inuu xuso ama u duceeyo Aabihiis inkastoo uu yiri ma dhiman. Ma sheegin taarikhda dhalashadiisa iyo haddii hoyaadiis iyo aabihiis is fureen iyo in hooyadis guursatay nin kale oo wax ka soo koriyay.
Sidaa darted, waxaan magaca Agaasimihii hore ee NISA ku soo gaabiyay Fahad!!! inta laga caddeynayo magaca rasmiga ah. Dhaqan ahaan, Fahad!!! wuxuu caddeeyay in
Soomaali badan waxay waqti qiimo badan ku lumiyeen dhegeysiga, iska wareysiga, fallada, iyo isu gudbinta wareysiga Fahad!!! shan (5) qaybood ahaa ee uu siiyay Wariye Faarax Cabdulkadir Maxamed ee Gaylan Media. Sababaha dadweynaha u xiiseynayay wareysiga Fahad!!! waxaa ka mid ahaa:
*Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku qanacsanaa in Fahad!!! ahaa Milkiilaha aan qarsooneyn ee dowladdii Madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmajo. Fahad!!! wuxuu caddeeyay inuu doortay taagerada iyo la shaqeynta Farmajo kaddib markuu ku qancay siyaasaddiisa/falsafadiisa xukun ee uusan qeexin. Dad badan waxay isweydiinayaan siyaasadda/falsafadda Farmajo iyo Fahad!!! wadaagi karaan madaama ay ku soo barbaareen labo dhaqan oo aad u kala duwan.
Senator Professor Cabdi Ismaacil Samatar iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Cali “Sanbaloolshe” ayaa mar hore dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagay dabeecadda iyo aragtida/siyaasadda Fahad!!! aaminsan yahay, oo lagu tilmaamay kuwo la mid ah kuwii Amiirkii la dilay ee AL Shabab Abdi Godane iyo shakhsiyaadka lagu tilmaamo khaa’iniinta/damiir laawayaasha ah (cunning/dishonest indiviuals) ama Maafiyada ah.
* Muddo shan (5) sano ah, waxaa Fahad!!! lagu eedeynayay inuu dambiyo waaweyn dalka iyo dadka Soomaliyeed ka galay, halis geliyay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed, gacan weyn siiyay xoogeysiga kooxda Al Shabab. Waxaa kaloo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa maqnaanshaha geeri iyo nolol ee Sarkaalad Ikram Tahlil Faarax iyo dilka Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi. Dhacdooyinka murugada iyo arxan darrada ah ee ka baxsan Islaannimada iyo mas’uuliyadda dowladnimo ee Fahad!!! mas’uulka ka ahaa waxaa ka mid ah in dadweynaha Beletweyne loo diiday aaska meydad tiro badan oo ku geeriyooday qarixii lagu dilay xildhibaanad Aamina ilaa ay ka dhammaaneyso dabaaldegga kursiga xildhibaannimo ee Fahad Axmed Dahir???
* Wareysi Muwaadin Cabdullahi Maxamed Nur siiyay Hannoolaato Media wuxuu daaha qaaday dilka, jirdilka, iyo tacadiga xanuunka badan, iyo xadgudubayada kale ee uu markhaati ka ahaa ee ka dhacay hay’adda NISA ee Fahad!!! Madaxda ka ahaa, kuwaaso ka dhacay Godka Jilicow. Marar badan, Hay’adaha Xuquuqul Insaanka iyo Jaraa’idka Caalamiga ah ayaa NISA iyo hay’adaha Ajnabiga ee taageraya ku eedeyay ku xadgudubka xuquuqda mwaadiniinta Soomaaliyeed.
* Fahad!!! wuxuu si toosan oo qaawan ula wareegay Maamulka siyaasadda dalka, taaso aheyd sharcidarro ka soo horjeeda hilkiisa iyo kan hay’adda NISA. Doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbed, Hirshabelle, iyo Galmudug waxay dileen kalsoonida iyo rajada Shacabka Soomaliyeed.
*Fahad!!! wuxuu shan (5) sano iyo afar (4) bilood diiday inuu dhibbanayaal Soomaaliyeed, Golayaasha iyo hay’adaha matalayay dadweynaha Soomaaliyeed, iyo warbaahinta Soomaaliyeed siiyo xogwarranno iyo warbixinno ay xaqa ugu lahaayeen ee ku saabsanaa arrimo badan ee ay ka cabanayeen ama su’aalo ka taagnaayeen.
Sidaa darted, waxaa la sugayay inuu dadweynaha u ifiyo, kana qanciyo dhibaatooyinka la soo maray, haseyeeshe ma dhicin.
Maxay tahay ujeedada ka dambeysa in Fahad!! bixiyo wareysi kaddib markii Farmajo, oo ahaa gabbadkiisa/gaashankiisa, looga guuleystay doorashada Madaxweynaha 15kii Maajo 2022?
Ujeedooyinka wareysiga laga dheehan karo waxaa ka mid ah:
I. In Fahad!!! cabsi iyo dhiillo weyn ka qabo kutladda ku guuleystaay doorashada Madaxweynaha JFS iyo Guddoonka Barlamaanka Federaalka;
II. In Fahad!!! oo horey ugu eedeeysnaa inuu yahay dhagar qabe mudan in dacwad lagu soo oogo oo sharciga la horgeeyo ku tashaday inuu ka hortago tallaabadaas, asagoo abuuraya jaahwareer iyo doodo macno darro ah. Isdifaca ku saabsan in la rabay in Jabuuti lagu dilo iyo in loo diiday inuu ku soo noqdo dalka kaddib markii shaqada laga joojiyay, haseysshe Farmajo ka horyimid waa marin habaabin, waayo shirkadda diyaaradaha Turkiga waxaa lagu wargeliyay in Ciidammo gaar ah ee Fahad!!! ka amar qaata iyo Ciidammado ka amar qaadanaya Xukuumadda RW Roble ay Garoonka diyaaradaha ku wada sugan yihiin, ayna jirto halis in Ciidammadaas isku dhacaan. Sidaa darted, Shirkadda Diyaaradaha Turkiga go’aansaday inay dib u noqoto, iska reebto Fahad!!! kaddibna toos Muqdisho ugu soo duusho.
Arrinta waxaa fududeeyay diblomaasiyiinta dowladda Mareykanka oo Fahad!!! geysay amar, waxaana Ciidammadad AMISOM laga codsaday inay galbiyaan oo geeyaan Fahad!!! meesha uu rabo oo aheyd Madaxtooyada. Habraaca xallinta kiiska Ikram waxay ku caddeyd warqadda shaqada looga joojiyay Fahad!!!, mana jirin sharciyad iyo sabab macquul ah ee ugu marmarsiyoodo Golaha Ammaanka oo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka mid yihiin. Markii loo magacaabay Xilka la Taliyaha Amniga ee Madaxtooyada, Fahad!!! wuxuu la kulmay dhammaan saraakiisha NISA oo uu macsalaameeyay, kaddibna wuxuu qoray qoraal uu uga hadlay wax qabadkiisa NISA. Marna kama hadlin, isdifaaca iyo eedeymaha uu wareysigiisa bisha Juun 2022 uu ku sheegayo, taaso markhaati ka ah inay yihiin dhoodhoob iyo riyo.
III. In CBB taageri jirtay iyo Beelaha Soomaaliyeed qaarkood lagu marin habaabiyo/lagu jiheeyo in Xubno u dhashay Beesha Habargidir ay mas’uul ka yihiin dambiyada Fahad!!! ku eedeysan yahay;
IV. In taagerayaasha burursan ee N&N baahiyaan Baraha Bulshada is difaaca aan maangalka aheyn iyo sheegashada wadannimo iyo waxqabad boqolkiiba boqol beenta ah (Big Lies) ee Fahad!!!., kuna sifiyaan miskiin laga gardan yahay.
Waxaa lagu jira qarniga Indhasarcaadka iyo beenta ma xishoodayaasha iyo dhagar qabayaasha rabaan inay ku liibaanan.
V. In dowladda cusub ee Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud lagu furo dacaayad iyo buuq dhalanteed ah si looga leexiyo dariiqa wax ka qabadka cadaaladdarrada, musuqmaasuqa, nabadgelyo xumida, iyo dib u dhaca dadka iyo dalka aafeeyay shantii (5) sano iyo afartii (4) bilood ee Farmajo iyo Fahad!!! dalka ku amar taagleynayeen, kuna xad gudbeen xuquuqda muwaadiniin farabadan ee Soomaaliyeed. Dhismaha Guri Farmajo iyo wareysiga Fahad!!! waa qayb ka ah brobagandada iyo walaa howga kooxda Farmajo iyo Fahad!!! ku mashquulineyso dadweynaha doonaya xasillooni iyo nabad.
Wareysiga Fahad!!! wuxuu daaha ka qaaday, xaqiijiyay aqoondarrada dhinac walba ah, cuqdada iyo ciilqabka, adeegsida siyaasadda kala qaybinta iyo isku dirka beelaha Soomaaliyeed, afkaarta xagjirnimada ah, dhaqanka isla weynida maran, xishood la’aanta, iyo beenta ah oo Fahad!!! iyo matankiisa Farmajo ku loogeen danaha iyo horumarka dadka iyo dalka Soomaaliya shan (5) sano iyo afar (4) ee la soo dhaafay Febraayo 8, 2017- Maajo 15, 2022.
Tusaale ahaan,
* Fahad!!! ma akhrin, iskumana taxaallujin fahamka dastuurka kmg. Waajibka koowaad ee Agaasimaha Guud ee NISA waa ilaalinta dastuurka kmg, sharciga hay’adda, Cadaaladda, iyo fulinta siyaasadda Xukuumadda iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimada. NISA waxay ka mid tahay hay’adaha nabadgelyada ee hoos yimaada Wasaaraddda Amniga Gudaha. Miisaaniyadda 2021 ee loo qoondeeyay NISA oo dhan 18.820 milyan doolar waxay ka qoran tahay Wasaaraddaas.
* Fahad!!! wuxuu caddeeyay inuusan aqoon u laheyn dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna aqoontiisa dowladnimo ku soo koobay rabitankiisa iyo rabitaanka Farmajo/Madaxweynaha. Falsafadda dowladnimada Soomaaliya waxay ku sharraxan tahay dastuurka kmg iyo dhaqanka waangsan ee diinta Islaamka oo ku saleysan runta, daacadnimada, iyo cadaaladda.
*Fahad!!! ma garwaaqsana qaab dhismeedka dowladda federaalka Soomaaliya. Hay’adda NISA waxay ka mid tahady laanta Fulinta, waxayna hoos timaada Wasiirka Aminga Gudaha/Ra’iisul Wasaaraha Golaha Wasiirrada sida ku cad dastuurka kmg.
Ma jiro sharci, xikmad, iyo maamul dowladeed ee loo cuskan karo in kiiska Ikram Tahlil ama muwaadin kale loola aado Guddiga Nabadgelyada Qaranka. Waa shaqo ay leeyihiin xeer ilaaliyaha iyo garsoorka. Qodobbada 33, 34, iyo 39 ee dastuurka ayaa fasiraya xuquuqda iyo garsoorka muwaadin kasta leeyahay inuu degdeg u helo.
*Fahad!!! ma garan kaalinta dastuuriga ah ee Warbaahinta ku leedahay dowladnimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 18 iyo Waajibaadka NISA ka saaran inay xog warran joogta siiso Wasaaradda Aminga Gudaha, Ra’iisul Wasaaraha, Barlamaanka Federaalka, iyo Warbaahinta. Sirta Qaranka waxaa soo ururiya saraakiil loo xilsaaray, xilka Agaasimaha Guud ee NISA waa inuu sirtaas gaarsiyo Madaxda ka sarreysa ee Laanta fulinta iyo Golaha Shacbiga si tallaabada ku habboon uga qaadaan. Fahad!!! keli ah ma oga sirta qaranka, waana keydka dowladda.
NISA 2012 waa ka duwan tahay NISA 1969-1991.
*Fahad!!! marna waa ku faanaya, marna waa dhaleeceynaya xiriirka shaqo, sir is weydaarsi, tababar, taakuleyn ee ka dhexeeya hay’adaha Sirdoonka Adduunka. NISA hoos tagta ama ku xiran Ethiopia, Eritrea, Qatar, waxaa ka fiican NISA oo xiriir wada shaqeyn iyo iskaashi la leh Mareykanka iyo dalalka Yurub oo shuruuc, mucaarad, iyo warbaahin xor ah ay ka xakameynayaan qaladaadka iyo dhallilaha.
*Fahad!!! waa ku adkaatay inuu fahmo in NISA aysan mas’uul ka aheyn wax ka baxsan xilkeeda ku siman xuuraanka iyo baaristaa dambiyada qaarkood hab waafaqsan dastuurka, sharciga, iyo maamulka. Barlamaanka Federaalka, Golaha Wasirrrada, iyo Garsoorka madaxabannaan ayaa u xilsaaran go’aan ku qaadashada xogwarrranka NISA.
*Fahad!!! wuxuu muwaadiniin Soomaaliyeed ku eedeeyay inay la jiraan Qowmiyada ama Maamulka Tigree oo ka mid ah Shacabka iyo dowladda Ethiopia, halka uu asaga banneystay inuu la jiro, jeclaado, taagero magaca ummadda Soomaaliyeed Qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ee ka mid ah Shacabka iyo dowladda Ethiopia ama noqdo adeege dowladda Qatar, Ethiopia, iyo Eritrea. Fahad!!! marna ma aqbalin inuu raaco tilmaamaha dastuurka kmg iyo rabitaanka laanta fulinta iyo Barlamaanka Federaalka oo matalaya shacabka Soomaliyeed.
*Fahad!!! wuxuu cambaareeyay dowlado deris ah, muwaadiniin Soomaliyeed kaddibna wuxuu diiday inuu magacaabo dowladahaas iyo muwaadiniintaas isla markaana ku andacoodo in shacbiga Soomaaliyeed yaqaanin, taaso ah dhaqanka munaafiqiinta, beenalayaasha ku abuuraan tashwiishka iyo mala’waalka.
Sagaalka (9) been ee Fahad!!! ku sheegay wareysiga waxay yihiin:
1. In RW Maxamed Xussein Roble, Xildhibaan Mahad Salad, Wasiir Cabdiraxman Yusuf Cumar ‘ALcadaala,’ ka dambeeyeen geynta Sarakaalad Ikram Tahlil Faarax deegaanka Darasalaam oo ah deegan la deggan yahay, halkaasoo Xubin Al Shabab ka tirsan Mahad Karatee kula wareegay, kaddibna lagu dilay Jilib. 2020, NISA waxay adduunka u sheegtay in Amiirka Al Shabab xilka ka qaaday Mahad Karatee oo ka dhiidhiyay is qarxinta lagu beegsanayo dadka ku nool Gobolka Benadir.
Al Shabab waxay iska fogeysay si rasmi ah kiiska Ikram Tahlil.
2. Fahad!!! asagoo adeegsanaya dhaqan sooca iyo xafiiltanka beelaha Soomaaliyeed u dhexeeya, wuxuu ku fekeray in taagerayaashiisa ku dhiirrigeliyo inay dadweynaha ka dhaadhiciyaan beenta ah in koox beesha Habargidir ku abtirasda ka dambeeyaan kiiska sarkaalad Ikram. Kuwo ka mid ah CBB ayaa bilaabay buunbuuninta iyo faafinta beenta Fahad!!!.
Hal sano ka hor ( Luulyo 2021) ayaa Fahad!!! iyo 3 sarkaal kale ee NISA ka tirsan lagu eedeyay kiiska IKram Tahlil. Juun 11, 2022 ayaa Fahad!!! ku riyooday inuu dad kale ku eedeeyo. Eedeyntiisa waxay ka soo horjeeday wareysi Xildhibaan Yaasin Farey oo ka mid ahaa 4ta eedeysane ee kiiska Ikram, isla markaana noqday kusimaha beddelay Fahad!!! markii xilka laga qaaday.
2019 ayaa Jeneral Abdalla Abdalla oo ka tirsanaa NISA ku eedeyay Fahad!!! inuu ka tirsan yahay ama la shaqeeyo Al Shabab. Fahad!!! wuxuu ku faanay inuu ka mid ahaa dhallinyaradii Salafiyada oo taagersan Al Shabab.
Waxaa la yaab ah in Fahad!!! qirtay in dacwada asaga iyo 3 sarkaal kale laga gudbiyay iyo go’aanka xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida uu ka maqlay Idaacadda, asagoo aan waxba laga weydiin kiiska sarkalaadda, taaso fadeexo weyn ku ah Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida.
3. In Fahad!!! ka saaray NISA faragelinta dalal shisheeye. NISA-da Fahad!!! waxay gacan saar la laheyd Sirdoonka Mareykanka, Qatar, Ethiopia, iyo Eritrea. Bishii Oktoobar 2021, Wargeyska New York Times (NYT) wuxuu qoray in hay’adaha ilaaliya xuquuqul Insaanka iyo Baarayaal Caalamiga ah ku eedeeyeen NISA iyo hay’adaha taagera in ay tacadiyo badan u geysteen muwaadiniinta Soomaaliyeed, taaso NISA lagula taliyay inay Adduunka u sheegto in la xiray Godka Jilow, lana joojiyay wada shaqeynta hay’adaha Ajnabiga iyo NISA, iyo in NISA aysan ka helin Qatar lacag caddaan ah si loo qaldo ra’yiga adduunka iyo kan Soomaaliya. Fahad!! wuxuu weli wada beenta lagula taliyay.
Kaddib markii Fahad!!! lagu eedeyay inuu ka dambeeyay muddo kordhiska Farmajo, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxay soo jeediyay in Fahad!!! la saaro cunaqabateyn, haseyeeshe hay’adda C.I.A Mareykanka ayaa arrintaas hor istaagtay ayadoo ku andacooneysa wada shaqeynta NISA iyo C.I.A. ka dhexeysa. Mukhaabaraadka Dowladda Qatar ayaa la wareegay NISA.
4. In Xildhibaan Mahad Salad oo dhawaan loo magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee NISA uu xiriir la leeyahay Al Shabab, kana qayb qaatay sanooyinkii la soo dhaafay shirqoollo la rabay in lagu khaarijyo Ra’isul Wasaare uusan magaciisa sheegin, iyo Madaxweynaha JFS iyo Xildhibannada Golaha Shacbiga oo shir ku ballan sanaa, sheegashadaasoo ah been abuur aad raqiis u ah oo dhaawaceysa dowladdii Farmajo. Waa dambi weyn in NISA iyo Madaxdii la shirqoolay aysan waxba ka falcelin shirqoolka Xildhibaan Mahad Salad.
Al Shabab waxay marar badan soo weerareen, burburiyeen, hantida qoyska Xildhibaan Mahad Salad Muqdisho ku leeyihiin, waxayna ku dileen shakhiyad magac iyo maamus ku leh dalka oo ka mid ah ehelada Mahad Salad, taaso Fahad!!! markhaati ka yahay, laguna eedeynayay wax ka qabad la’aan.
5. In Fahad!!! ogeyn tirada dhallinyarada NISA u dirtay Eritrea. Inkastoo NISA u xilsaarneyd diridda iyo la socoshada dhallinyaradaas, Fahad!!! waa diiday inuu sheego tirada rasmiga ah ee la diray, hase yeeshe wuxuu sheegay inuu la socdo xaalkooda.
Taliyaha Ciidaanka Xoogga dalka Jeneral Odowaa oo horey loo weydiiyay arrintaa Cidammadaas wuxuu Golaha Shacbiga iyo Ummadda Soomaliyeed u sheegay inuusan waxba kala socon.
Hadalka isburrinaya ee Fahad!!! waxaa laga garan karaa inuu baalmaray oo uusan tixgelin nidaamka qorista Ciidammada Qalabka Sida oo u baahan sharci rasmi, ku tala gal Miisaaniyadda dowladda, diyaarin barnaamij tababar waafaqsan mabaadi’da dastuurka kmg iyo hadafka qaranka Soomaaliyeed, taaso macnaheedu yahay in Ciidammada Qalabka Sida Soomaaliya lagu tababaro dalal aan wadaagno nidaamka dimoqradiga ah.
Waxaa xusid mudan in barnaamijka deyn cafinta xadidayo kororsiimada mushaarka iyo kharajyada kale ee Miisaaniyadda 2022 oo 72% Beesha Caalamka kabeyso. Sidaa darted, Dowladda Hassan Sheikh Maxamud waxaa qoorta ugu jira xal u raadinta mushkiladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan, go’dooson Eritrea.
6. In Fahad!!! qirtay inuu ka tirsanaa koox diimeedka Al Ittixad oo ay ka soo farcameen Al Shabab iyo Al Ictisaam oo hadda uu ka tirsan yahay. Ka mid ahaanshaha koox diimeed waxay xoojineysa dareenka ahaa in NISA iyo Al Shabab isku milmeen madaama ay mabda’ahaan is raacsan yihiin.
7. In Fahad!!! ka been sheegay dagaalkii lagu qaaday Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dowlad goboleedka Jubbaland.
8. In Fahad!!! ka been sheegay inu dowladda federaalka Soomaaliya dhexdhexaad ka aheyd khilaafaadka dhexmaray dowladaha Carabta sida Sacuudiga, Imaraadka, Baxreyn oo dhinac ah iyo Qatar iyo Turkiga oo dhinac kale ah iyo khilaafka dhexmaray Ethiopia iyo Masar iyo khilaafka dhexmaray Mareykanka, Yurub,Yukrai oo dhinac ah iyo Ruushka iyo Shinaha oo dhinac ah. DFS waxay la safatay Ethiopia, Qatar, iyo Ruushka/Shinaha.
9. In RW Roble ka dambeeyay afduubka Professor Abdiwahab Sheikh Abdisamad oo ah muwaadin Kenyan ah, dhacdadaaso khuseysa sirdoonka, Barlamaanka, iyo Garsoorka Kenya.
Gabogabo
Wariye Faarax Cabdulkadir Maxamed wuxuu Fahad!!! weydiiyay su’aalo mudnaa waajabo waafi ah, xaqiiqada ku dhisan, hase yeeshe Fahad!!! diiday inuu ka jawaabo. Dad badan waxay isweydiiyeen sababta Fahad!!! u doortay inuu wareysiga been afuufka ah siiyo Gaylan Media, wareysigaasoo la tuhunsan yahay in lagu sameeyay dib u habeyn (editing).
Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in wareysiga Fahad!!! , uusan qarin karin dhibaatooyinka xad dhaafka oo dalka ragaadiyay shantii (5) sano iyo afartii (4) bilood ee la soo dhaafay oo Fahad!!! iyo Farmaajo mas’uulka ka yihiin.
Dr. Maxamud M. Culusow

Comments are closed