Uncategorized

Fadeexaddii Crown Hotel, Ficilka Madaxtooyadda, Falkinta Sharka Iyo Fooldhabashada Waqtiga

Hargaysa 07.Dec 2014 (SDN/QJ)- Mar keliya ayaa sanqadha iyo dayaanka maqalka dadku ku war helay. Cirku muu daruurayn roobna ma di,in. wuu qaawanaa hadana qacda jiingada hoolka iyo muraayaddaha baabuurta ka baxaysay waxa la moodayay barafyaale curtay.

Shirku wuu dhamaaday oo markaas ayay dadku bixid maaganaayeen, balse taasi uma suuragelin. Dib baa loo diday. Madax iyo mijaba madashu waa buuxday. Filanwaa iyo anfariir baa dhacay. Waxa lagu soo duulay hanti gaar ahaaneed oo muwaadin leeyahay. Waxa lagu soo duulay nidaamkii iyo kala dambayntii. Waxa lagu soo duulay dimoqraadiyaddii iyo xuquuqdii aasaasiga ahayd ee dadka. Waxa dhacay wax aan dhici jirin. Waxa dhacay wax loogu yeedhay fadeexaddii Khamiista.
Waqtiga Iyo Xukuumadda

muqalkkkkkWaxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira. Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobayo. Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo. Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana, qadar Eebbe weeye. 23 sanno oo go,doomin ah Somaliland weli way nooshahay, keligeed is deberaysaa, laakiin, haddana, waqti iyo wax saarkii ma werwer la,a maanta. Maalinba cashar hore u soo maray ayaa dib loogu celinayaa. Maalinba filim ay hore u soo daawadeen ayaa dib loogu shidayaa. Nidaam kastaaba dhaqankii hore mid ka sii xun buu barayaa, Xannuunada hayaana way tiro bateen. Marka hore iska eeg oo iska hubi qofkaad wax u dhiibanayso ma taqaano, balse ku boob oo rid marka dambe hiddaheedu weeye. Ka daba tag mooyee, ka hor tag ma jiro. Sidaas oo jirta misana, damqashada dareenku ma yara, gilgilashada garaadkuna goblan maaha bulshada dhexdeeda, haddana, horma saarto iyo callool baa dishay, quustuna waa geeri, oo nolosha waa ka xaaraan.
Haatan waxa aloosan doorashooyinkii. Waxa la ansixiyay Komishankii doorashada iyo xeerkii diiwaangelinta codbixiyayaasha, hase ahaatee weli lama dhaarin komishanka. Durba waxa la lumiyay maalmo aan ka go,ayn hawsha loo xilsaaray. Mucaaridku waxay ku dhaliileen xukuumadda sababta loo daahinayo dhaarintooda. Waxay u arkaan xeel raad gadasho inay ku jirto halkaa. Waxa la tilmaamayaa caga jiid badan oo dhinaca Madaxtooyada ahi inuu jiro. Cidda noqonaysa Gudoomiyaha Komishanka waxa iska dhex doorta guddiga gudihiisa. Hase yeeshee waxa la tuhunsan yahay in madaxtooyadu dananayso cidda jagadaa qabanaysa. Wasiirka Madaxtooyadda iyo xubno kale oo muhiim u ah taladda oo dibadda ku maqan ayaa dad badani u aanaynayaan in lala sugayo dhaarta. Dhanka kale xeerka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Guurtidu ansixisay, ayaa weli sugaya saxeexa Madaxweynaha, inkastoo wax ka bedelka qodob muhiim ahi saamayntiisa dibu dhaca doorashada yeelan karo. Diiwaangelinta maddaniga ah oo kolka horeba u muuqatay suuldaaro siyaasadeed, ayaa iyana wacyi gelin la,aan si habqan ah oon qorshaysnayn u socota. Musuq iyo maamul xumo badan ayaa dadka u dhuun dalloolaa u tirinayaan.
Taageerayaal badan oo miisaan leh oo ka tirsanaa Kulmiye una wareegay Xisbiga Waddani, ayaa la rumaysan yahay inay weydaysay kalsoonidii madaxtooyadda. Dhaliilo badan iyo tabashooyin aan la daawaynin oo loo tirinayo xukuumadda ayaa iyana wax ka soo qaadkoodu wayn yahay. Kala daadasho iyo kala furasho xukuumadda dhexdeeda ah ayaa sidoo kale loo arkaa, inay horseeday qaadista talaabooyin aan loo baahnayn. Xadhig aan sharci u muuqan oo lala beegsaday muwaadiniin badan aragtidooda awgeed, ayaa iyana loo aanaynayaa inay sii wiiqday kalsoonida shacabku ku qabaan maamulka taladda haya. Cabudhinta xorriyada saxaafadda iyo tacadiyadda dhanka ah xuquuqda dadka oo loo arko in xukuumaddu caadaysatay, ayaa saamayn wayn oo taban ku yeeshay sumcadda maamulka Madaxweyne Siilaanyo. Sidoo kale, axdiyada iyo balamaha lala galay caalamka oo fulintoodu, la sheegay inay ka wiiqanto dhanka Somaliland, ayaa la tuhunsan yahay inay u horseeday Somaliland weji gabax, hase ahaatee xeeldherayaasha ka faallooda siyaasada, ayaa ku doodaya in Wasiirka Khaarajigu ku dadaalayo la tacaalista dhibaatooyin ay abuureen ficilka gudaha ee xukuumadda uu ka tirsan yahay. Arrimahaas iyo qaar kale oo badan waxa u sii dheer xukuumadda, la noollaanshaha khilaafka xisbiga Kulmiye. Waxa kale oo xusid mudan mucaaridkuna ay in badan ka hadleen, awooddii Madaxweynaha oo ay sheegaan, in ay ku tagri falaan dad kale oo aan xaq u lahayni. Sidaa aawadeed, dadka falanqeeya arrimaha Somaliland waxay aaminsan yihiin, in dalku ku jiro soof daran habow siyaasadeed, ficilka madaxtooyaduna uu noqday ka daba tag iyo qaadista talaabooyin wax dhimaal ku ah nidaamka iyo aargoosi lid ku ah xorriyada fikirka qofka.
Hotel Crown Iyo Khamiistii
Khamiistii Dorraad waxa Hotel Crown ka dhacday xaflad si wayn loo agaasimay oo xisbiga Waddani oo ku soo dhaweeyay, siyaasiyiin iyo taageerayaal ku biiray xisbigaa. Goobtu waa meherad ganacsi oo qof muwaadin ahi leeyahay. Nabadgelyada goobtaa iyo dadka joogayba waxa ka masuul ah dawladda xilka haysa. Hase yeeshee dhamaadkii xafladdaa waxa bilowday duullaan, ay jillayaal muuqda ka ahaayeen dhalinyaro u muuqday, in la soo abaabulay oo cidi ku soo jihaysay xafladaa xisbiga. Da,dooda waxa lagu qiyaasay 13jir ilaa 14jir. Way tiro badnaayeen, waxaanay is dhoobeen albaabada waawayn ee Hotelka laga galo iyo barxad banaan oo ka horaysa. Mar keliya ayay dhulka taabteen oo dhagax ku boobeen Hotelka. Waqtigaa dadka xaflada ka qayb galay waxay diyaar u ahaayeen bixid, oo wuu dhamaaday shirkii u socday. Dadkii baa dib u didday, qofba meel uu galaba. Waxa laga wada gabaday dhagaxii sida baraha roobka u dhacayay. Dhalintii dhagaxa tuuraysay waxay soo galeen gudaha kadib markay jabsadeen albaabada. Waxa goobta joogay masuulka sadexaad ee qaranka oo ah gudoomiyaha golaha Wakiiladda, ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro. Waxa joogay madaxda kale ee xisbigaa, siyaasiyiin badan oo magic ku leh dalka kana tirsan xisbigaa iyo taageerayaashooda.
LGawaadhi tiro badnaa oo goobta yaalay, ayaa la sheegay in muraayaduhu burbureen. Dhaawacyo fudud ayaa iyana warku sheegay inay gaadheen taageerayaasha Xisbiga Waddani, hase ahaatee horjoogayaasha Xisbigaasi waxay horjoogsadeen dhalinyaro badan oo taageerayaasha xisbiga ah, oo damcay inay u baxaan dhalinta duullaanka ku soo qaaday, isla markaana waxay u sheegeen in aan loo baahnayn isku dhac bulshada dhexdeeda ah, dhalinyarada soo weerartayna ay yihiin, qaar masuuliyad kale khaladay oo jihayn qaloocan la siiyay. “Dhalintan yaryar ee ina shiidaysaa waa dulmanayaal, masuuliyaddii korin lahayd casharo khaldan siisay.” Sidaa waxa ku yidhi dhalintii gudaha ku jirtay mid ka mid ahaa masuuliyiinta Waddani.
Dhinaca kale, maamulka Hotelka iyo masuuliyiin kaleba waxa la sheegay, inay la xidhiidheen hay,adaha amaanka una sheegeen waxa socda, balse aanuu u iman ciidan boolis. “ waxa la soo weeraray ganacsi qof leeyahay iyo xisbiga waddani oo loo diidayo xafladaha uu qabsanayo. Waxaanu leenahay xukuumaddu wadanka nabadgelyada ha u dayso, dhib aan jirina yaanay abuurin, wixii khasaare halkaa ka dhacayna xukuumaddaa ka masuul ah”. sidaa waxa yidhi xoghayaha guud ee xisbiga Waddani. Sidoo kale waxa dhacdadaa ka hadlay Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe, waxaanuu yidhi, “ saacadu waa 11 kii, waxaanu ka bixi kari la,nahay Crown Hotel, carruur la soo diray ay albaabada hor taagan yihiin oo baabuurta jajabiyeen, shiidkaa na hadheeyay, waxa ayaandarro ah in saldhiga booliskuna noo jiro, wax aan labaatan talaabo ka badnayn, dawladu way ogtahay, iyadaana amaanka ka masuul ah”.
Mulkiilaha Hotel Crown Cismaan Hindi ayaa isna dhiniciisa ka hadlay dhacdadaa, waxaanuu sheegay inuu shaqsiyan ka madax banaan yahay siyaasada, sadexda xisbina aanuu midna ku jirin, waxaanuu yidhi, “Xisbiyadda qaranka iyo xukuumadduba way kiraysan karaan huteelkayga, laakiin arrintan la wado ee carruurtan la soo abaabulay ee la yidhi, shiida xisbiyada qaranka meelahay ku qabsadaan shirarka, ee la yidhi shiida muwaadiniinta Somaliland, masuuliyadaas oo dhan waxaan dusha u saarayaa xukuumadda. Waxaan leeyahay xukuumadda iyo Kulmiye siyaasada waan ka madax banaanahay, mar dambe dib ha iigu soo celinina. Waayo,looma adkaysan karo amni daradan aad idinku abuuraysaan. Ciidankii qaranku intuu noo jiro waad arkaysaan, cashuur bixiyayaal baanu nahay, waddankanina nabadgelyaduu dal ku yahay, madaxweynahana waxaan leeyahay amniga ha la ilaaliyo”.
Geesta kale warar laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay, in ka hor maalintii xafladdaasi dhacday xukuumaddu xidhiidh la samaysay ganacsde Cismaan Hindi, una bandhigtay qorshe ay doonaysay inay ku hakiso munaasabdaa, isla markaana laga dalbaday inuu lacagtoodii u celiyo X. Waddani, taa mid ka badana uu ka qaato xukuumadda, hase yeeshee waxay wararku sheegeen, in ganacsaduhu diiday arrintaa. Xogahaasi waxay tibaaxeen, in dhalinyaradaa la soo abaabulay, oo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan loo tirinayo.
Gunaanad
Kal hore markii uu mucaaradka ahaa kulmiye waxa dhacday, in xukuumaddii Rayaale la xidhiidhay Huteel uu xisbiga Kulmiye shirk u qabsan lahaa, kadibna uu huteelkii heshiis kula galay xukuumadda in aanay qabsan kulmiye wax shir ah halkaa. Taasi waxay keliftay in Kulmiye huteelka hortiisii ku qabsado isu soo bax, uu dadka kula hadlo, kaasoo si nabad ah ugu qabsoomay ciidanka amaankuna ilaalinayay. Hase yeeshee, dhacdadan khamiistii waxa loo arkaa fadeexad hor leh, waayo, ma jirto ceeb ka wayni in kii taladaba hayay uu u muuqdo, mid duullaan ku ah nidaamka iyo nabadgelyada. Sidaa darteed, waxa muhiim ah, in xukuumaddu rafadka iyo ka daba taga ka dayso siyaasadda, isla markaana ay la timaado qorshayaal macne oo ka turjumaya dibu kasbashada kalsoonida umadda.

XIGASHO OGAAL