Uncategorized

YAA KU ADEEGTA QABYAALADDA

Gogoldhig

Ka hor inta aynaan ka jawaabin su’aasha mawduuca maantu waxa uu daaran yahay iyo sababta kaliftey in aan wax ka qoro cida ku adeegata qabyaaladda, waxaan marka hore mihim ah in aynu fahamno waa maxay dawladdi? Maxay faa’ido u leedahay dadyawga adduunka ku nool? Ujeedada qaranimo ama dawladnimo yaa ay tahay in ay ku naajaxaan ama dheefteeda yeeshaan? Maxaase looga baahan yahay in ay ummadda u qabato? Jawaabaha su’aalahani waxa ay si fiican inoo fahamsiinayaan cida ku adeegata qabyaaladda iyo manfaca ugu jira in ay isticmaalaan. Waxa kale oo su’aalahani ina fahamsiin doonaan waxa u danta ah ummadda jiritaankeeda si ay ugu naaloodaan nabad gelyo, naruuro iyo nolol wanaagsan oo waxtar u leh dadnimadooda iyo masaalaxooda dhaqan dhaqaale intaba. Haddaba akhriste si wanaagsan u dhugo haddiiba aad wakhti u heshay in aad akhrido maqaalkan si su’aalahan waaweyn ee hoos ku qorana aad jawaabtooda si waafi ah aynu iskula fahamno.

Waa Maxay Dawladdi?

Ummad kasta oo meel ku wada nool si kasta oo uu kala duwanaanshahooddu yahay haddii ay noqoneyso midab, af ama diin waxa ay garteen yada oo intooda labeenta ah ee aqoonta iyo garashada lihi hor kacayso in ay ka faa’ideystaan awoodooda dadnimo si ay horumar u gaadhaan. Fikirkan saliimka ah waa ka dhidibadda u taagey isla markaana keeney in nidaamka dawliga ah ee dunidda maanta ka jiraa uu dhaqan galo. Sidaa darted, aniga oo soo koobaya isla markaana ka jawaabaya su’aasheena waa maxay dawladdi? Jawaabteeda oo waafi ahi waxa ay tahay dawladdi waa meesha ay dad meel ku wada nooli dhaqaalahoodo, caqligooda, aqoontooda/garashadooda, maalkooda, farsamadooda/xirfadooda, xoogooda/awoodooda iyo aragtidooda siyaasiga ah isugu geeyaan. Si ay nabad iyo horumar ugu sameystaan isla markaana sharafkooda iyo jiritaankooda dadnimo ku ilaashadaan, dadyawga kale ee adduunyadda kula noolna ula macaamilaan iyagoo isaga difaacaya dawladnimaddan wax kasta iyo cidkasta oo wax yeelo ku ah jiritaankooda qaranimo yaguna ku kala badbaadaya.

 

 

 

Maxay Faa’iddo u Leedahay Dadyawga Adduunka ku Nool

 

Dawladnimaddu waa dalad loo dhan yahay oo lagaga gaashaanto masiibooyinka adduunka ka jira. Waa nidaam iskaashi oo ummadduhu ku wanaajistaan noloshooda si ay sharafkooda, dhaqankooda, afkooda iyo caaqiidadooda u ilaashadaan. Waa ta keentay in dadyawga kala qoomiyaddaha ah ee qaaraddaha adduunka ku nooli ku kala hor maraan, kuna kala mudnaadaan. Waa waxa is dhaafiyey haddiiba aad tusaale wanaagsan soo qaato ninka cad iyo kan madow yaga oo aan kala xoog badneyn dabiiciyan. Waxa aynu dhamaanteen ka markhaati kacaynaa in horumarkan balaadhan ee ninka cadi sameeyey kaliya ay ku timi nidaamka dawliga ah iyo xeerarka ama qawaaniinta ay u sameysteen dawladnimada oo ah xabagta dadka isku haysa. Waana nidaamka kaliya ee si isku duubni ah loogu sameyn karo nolol wanaagsan oo cadaalad iyo is ixtiraam ku dhisan taas oo aanu qofna qof ka sareyn sharcigana loo siman yahay, fursadaha nololeed, kuwa caafimaad iyo kuwa waxbarashana si sinaan iyo cadaaladi ku dheehan tahay loo wada qaybsado.

 

Ujeedada Qaranimo ama Dawladnimo Yaa ay Tahay in ay ku Naajaxaan ama Dheefteeda Yeeshaan?

Mar haddii ay dawladnimo tahay meesha ay dad meel ku wada nooli dhaqaalahooda, caqligooda, aqoontooda/garashadooda, maalkooda,farsamadooda/xirfadooda, xoogooda/awoodooda iyo aragtidooda siyaasiga ah isugu geeyaan. Dabcan waxa dheefteeda iyo dhibteedaba yeelanaya dadka shacabka ah. Waxaana dadka shacabka ah u adeegaya intooda labeenta ah ee aqoonta iyo farsamada dawladnimo fahamsan isla markaana ah dad xalaal quutayaal ah oo garanaya waajibka saaraan iyo waxa ay dadkoodu ka filayaan. Waana kuwa ay shaqadoodu tahay in ay wacyi galiyaan dadka oo ay caqligooda iyo garashadooda kor u qaadaan. Tani waxa ay ka caawineysaa farsamo ahaan in ay dawladdu tamariso oo ay wax qabad dhab ah la timaado, si ay hawl maalmeedkeeda shaqo ee u adeegida dadweynaha u gudato.

 

Maxaase Looga Baahan yahay in ay Ummadda u Qabato?

Dawlad waxa ay ummaddu marka horeba u sameysteen in ay nabad gelyo ku helaan oo ay yagu ku kala badbaadaan, cadawga dibadana isaga difaacaan. Isla markanaa, dhaqaalahooda iyo noloshooda ku dhistaan yagoo dhaqankooda iyo cirdigoogaba ku ilaashanaya. Dawlad waxa looga baahan yahay in ay abuurto jawi dhaqaale iyo horumar, kaas oo gunta aasaaskiisu yahay cadaalad iyo xaqsoor dhab ah. Waxa kale oo dawlad looga baahan yahay in ay hagaajiso adeega bulshadda dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashadda, yadoo wacyi galin balaadhan u sameyneysa dadkeeda kuna baraarujineysa wax wal oo wanaagsan oo waxtar u leh, isla markaana wixii wax yeelo iyo dhib u keenaya bulshadana ay la dagaalameyso sida cuduradda, jahliga, nidaam xumada, musuqa, cadaalad darada, eexda ama qabyaaladda iyo wax wal oo bulshada u keeni kara kala furfurnaasho. Dawladdi waa xabagta kaliya ee ummad isku haysa waxa ugu horeeya ee loo baahan yahay in ay sameysana waa in ay shaqadaa ummaddu u igmatey qabato oo ah u adeegida shacabkeeda.

 

Haddaba, haddii ay arin sidan yahay oo in ummaddi ay dawlad yeelataa sidan laf-dhabar ugu tahay wax wal oo wanaagsan oo horumar leh waa maxay qayladda iyo buuqa ka soo yeedhaya dawladnimadeenii aynu dhidibada u taagnay 23 sano ka hor. Waxaynu ognahay in dawlad kasta oo dunidda ka jirtaa ay ku bahoobeen dadyaw inta badan sida aynu inagu nahay aan isku mid ahayn (Homogeneous). Kuwaas oo ku kala duwan afka, dhaqanka, diinta ama midabka. Reer Somaliland waa dad intaas oo dhami ay ka dhaxayso oo wadaaga wax wal oo ummaddi leedahay, isla markaana isla qaatey oo ku heshiiyey si niyad ah in ay dawlad u sameystaan. Waana tan keentay in 23 sano yaga oo aan wax aqoonsi ah dunidda ka helin haddana nabad gelyo ku wada nool kuna guuleystey in ay ilaaliyaan waxii ay wada dhisteen.

 

Si horumar loo sameeyo loona kobciyo dawladnimadda waa in la helo dad mabda iyo aragtida siyaasiga ah ku midaysan. Somaliland waxa inta badan ka soo yeedhaa waa qayladda iyo sawaxanka qabiilka. Arrintan waxa keena kaliya waxaan aaminsanahay in ay tahay fashilka siyaasiyiinta reer Somaliland oo dhan Xisbiga ay doonaan ha ahaadeen ama dibad wareegba ha noqdeene. Kuwaas oo ku saaqiday in ay dadkooda u adeegaan isla markaana qiiqa isku qaraniya. Akhriste, waxa aynu kor ku xusney in dawladnimadda ay hormuud ka yihiin marka horeba dadka labeenta ah ee aqoonta iyo indhaha u ah bulshadda. Magaca ay hormuudka ummaddu ay leedahay ee kaalintaa ugu jiraa waa SIYAASIYIINTA. Isla siyaasiyiintan uun baa umad barwaaqeeya oo hormariya ama baabiiya oo jilbaha dhulka ugu dhufta. Siyaasiyiinta Somaliland waa kuwa adeegsada qabyaaladda ee dadka ku kala qayb qaybiya. Haddii aan tusaale yar soo qaato, xiliga qabyaaladdu ugu kulushahay Somaliland waa xiliga doorashaddu soo dhawaato ama cid dhadhamo siyaasadeed kala riixaneysaa shacabka ku dul doobiyaan ee midba reer dabada galiyo.

 

Xafladdaha iyo saxaafadda la isaga jawaabayo waxa dhamaantood soo abaabula siyaasiyiinta Somaliland oo dan gaar ah leh ama mucaarad ha ahaadaan ama muxaafid, waxaaney wadaan nidaam ah qaybi oo xukun. Dadka reer Somaliland waxay u baahan yihiin in ay wada helaan adeega dawladda, sida biyaha, caafimaad, waxbarashadda, shaqo abuurista iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha ee horumarka laf dhabarta u ah. Waxa arrintan ku fashilmay in ay adeegaa dadka gaadhsiiyaan siyaasiyiinta Somaliland oo si ay dadka indhahooda isaga jeediyaan qabyaalad miciinsadey. Yaguna waa ku kala raali oo hoosta ayey iska og yihiin waaney wadayaan hawshan illaa iyo inta ay dadka garaadkoodu koraya oo ay wax fahmayaan. Tusaale haddii aan u soo qaato arrintan, reer wal oo Somaliland ka tirsani waxa ay leeyihiin dad danyar ah oo dhaqaale ahaan aad u hooseeya. Haddii kaa ay dhibaato ku timaado oo ay dawladdu wax yeesho cid u hadleysa oo TV u soo fadhiisaneysaa ma jirto halka siyaasiga mudaharaad is qabsanayo, isla markaana looba dhimanayo. Akhriste miyaaney haddaba kuu cadeyn cida adeegsata qabyaaladda ee ku fashilantay in ay hogaamiyaan dadkooda oo ay mideeyaan.

 

Guntii iyo gebogabadii, waxaan ummadda reer Somaliland leeyahay waxaa aad aragtaan waa oohintii iyo baroortii siyaasiyiinta tuumbada dhiigiina kula jirta ee hadh iyo habeen idin noloshiina dhuuqaysa. Waxa haboon in aad meel uga soo wada jeesataan oo aad la xisaabtantaan. Waxa idin mideeya xirfadiina iyo noloshiina guud waana in aad taa ka wada shaqeysaan goor iyo ayaan. Waad ogtihiin oo haddii maanta cadaalad daro lagu xidho ama laguba dulmo nin reer hebel ah oo miskiin ah cid u mudaharaadeysaa ma jirto haddii se siyaasi tuug ah oo waxaaga u socda in uu xado kuna dhaco tolaayeey ku muusanaabo waad ogtihiin oo waa idinka kuwa u dhimanayaa ee barina marka ay heshiiyaan halkaa lagu ilaawayaa. Waxaan idiin soo jeedinayaa in aad siyaasiga ku saaqidey in uu shaqadiisii qabsado ee jahawareersan aan meel uga soo wada jeesataan ee aydaan idinku noqon kuwii laga cuney ee haddana lafahooda loo cunay. Balse aad noqotaan kuwii garta cida ay yagu shaqaaleysiiyeen ee ay tahay in ay u adeegaan in aaney ka adeegan quruxda dawladnimaddana uga faa’ideysta sida ay tahay ee aan kor ku xusney. Wabilaahi Tawfiiq.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: mohamedomar1@hotmail.com or M.Hagi-Mohamoud@warwick.ac.uk.