|

Farriinta ay Midawga Yurub u gudbiyeen Muuse Biixi

Hargeysa (QJ)- Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa iyadoo la kulantay madaxweynaha Somaliland oo ay ka wada hadleen arimo kala duwan, oo ay saldhig u ahaayeen khilaafka siyaasadda ee imika ka taagan Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland ayaa iyadu sheegtay in kulanka lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka, xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo midowga Yurub iyo arrimaha geeska Afrika. Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Qurbejoog ayaa heshay xogta waxa ay ka wada hadleen iyo hal farriin oo ay siday safiirka Midawga Yurub oo matalaysa dhammaan dawladaha ka taageera Somaliland horumarka iyo dimuqradiyadda, iyadoo u sheegtya Muuse Biixi in aanay Beesha Caalamu aqbalayn in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo ama wax dib u dhac ah ay ku timaado.

Muuse Biixi wuxuu Tina Intelman u sheegay in xukuumadiisu diyaar u tahay qabashada doorashada madaxtooyada isagoo beeniyay cabashooyinka mucaaradka ee ku aadan muddo kordhinta.

Beesha Caalamka ayaa rabta in khilaafka lasoo af jaro oo loo jihaysto doorashooyinka qorshaysan sanadkan.

Safiirka Midawga Yurub ayaa maalmaha soo socda la kulmaysa odayaashii dhex dhexaadinta waday iyo xisbiyada mucaaradka ee Somaliland.

Comments are closed