|

Xukuumadda Muuse Biixi oo waddooyinka Hargeysa ciidamadii ugu badnaa dhigtay

Hargeysa (QJ)- Xukuumadda Muuse Biixi ayaa ciidamadii ugu badnaa waxay ku daadisay waddooyinka magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland iyadoo badi wadooyinka caasimadda lagu arkayo ciidamo hubaysan oo ka tirsan booliska iyo unuga RRU loo yaqaano ee argagixisada la dagaalama.

Xaafadaha ayay ku kala badan yihiin ciidamadu iyadoo degmooyinka Gacan Libaax iyo Maxamuud Haybe lagu arkayo ciidamada ugu badan oo ku sugan is-goysyada iyo waddooyinka muhiimka ah. Labada degmo ee ciidamada la geeyay ayay ku badan yihiin taageerayaasha xisbiyada mucaaradku.

Qurbejoog ayaa ogaatay in taliye Dabagale uu amarka bixiyay isla markaana u sheegay taliyaha ciidamada RRU in uu cutubyo ciidankaas ah ku soo daro ciidamada Hargeysa lagu daabulay maanta, wuxuna Dabagale u sheegay saraakiisha in aanay jirin wax dad ah oo isku soo bixi kara. Waxa xusid mudan in hayb ahaan ay labada taliye ee booliska iyo RRU ay kasoo jeedaan beesha murashaxiinta madaxtinimada ee xisbiyada UCID iyo Waddani (Garxajis).

Tallaabadan ayaa timi kadib murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani oo maaanta ugu baaqay shacabka Somaliland in ay kasoo qayb galaan dibad baxyo waawayn oo lagu dalbanayo doorashada 13 November in ay wakhtigeeda ku qabsoonto, waana doorashada madaxtooyada.

Comments are closed