Uncategorized

Findland oo laga cabanayo Caruurta Soomaaliya lagu celiyo

Helsinki Oct 22,2012(SDN)-Waalidiinta Soomaaliada ku nool dalka Findland ayaa looga cawday in caruurtooda ay dugsiyada ka saaraan Soomaaliyana ay uga soo tagaan.

Warbixin ay dhawaan daabacday Helsingin Sanomat axadii ina dhaaftay ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin ka dhashay dhalinyaro dalkaa laga kexeeyay oo doonaya in Findland dib loogu soo celiyo.

Dhalinta waalidiintaa dhashay ayaa Findland dib ugu soo noqday iyaga oo aaney wehelin caruurtii ay Soomaaliya geeyeen.

Waxa saxaafudu ay soo bandhigtay dhalinyaro iska xaadirisay safaarado Findland ay ku leedahay dalalaka Soomaaliya jaarka la ah.

Dhalinta ku xaniban dalalaka Soomaaliya jaarka la ah ayaa sheegay in waalidkood ka qaadeen baasabooradoodii.

Macalimiinta dugsiyada ay ardeyda Soomaalidu wax ka barato ayaa walaac ka muujiyay ardeyda Soomaalida ee waxbarashadoodalaga kexeeyo.

Waxaaney sheegeen in loo baahan yahay in shuruucda dalka wax laga bedelo si xaaladan wax looga bedelo.

Si kastaba ha ahaatee waxa haatan si weyn Findland looga hadal hayaan dhalintan tageysa Soomaaliya iyo wixii laga yeeli lahaa.

SDN-Hilsinki

contact@somalidiasporanews.com