Tokiyo Oct 22,2012(SDN)-Warbixin ay dawlada Japan soo saartay oo ka waramaysa xaalada dhaqaale ee dalkaas ayaa sawir guran ka bixisay halka xaalka dhaqaale ee dalkaasi uu marayo.
Bishii ina dhaaftay ee September ayaa aheyd tii ugu liidatay ee dalkaa soo marta sodonkii sanadood ee u danbeeyay sida warbixintuay tibaaxday.
Hoos u dhaca u weyn ee dhaqaalaha dalkaasi ku yimi ayaa loo aaneyay cilaaqaadka xumaaday ee Japan la wadaagto China iyo lacagta Yenka oo qiimeheedu uu sare u kacay.
Labadan sababood ayaa hoos u dhac weyn ku keenay dalabaadka gawaarida uu Japan u iib geeyo China iyo Yurub.
Hoos u dhaca China oo warbixintu ay ku qiimeysay 15% halka Yenkacirkaisku shareeray uu 25% hoos u dhigay dalabkii reer Yurub.
Japan ayaa dhawaan xabsiga u taxaabtay kaluumeysato China u dhashay,xadhigaas oo sababay i cilaaqaadka labada uu xumaado ayaa kolkii horeba la filayay in uu saameeyn ku yeelan doono dhaqaalaha Japan.
SDN-Tokiyo
contact@somalidiasporanews.com
