Hargaysa 08.Oct 2015 (SDN/QJ)- Kulan balaadhan oo la sheegay inay isugu yimaadeen Aqlabiyadda ergooyinka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE kaga jira beelaha Subeer Awal (Sacad Muuse, Baha Muuse iyo Ciise Muuse), oo ay ku muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin murrashaxnimada madaxweynenimo ee Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ka dhacay hoyga Green Plaza ee magaaladda Hargeysa.
Siday sheegeen warar ka qaybgalayaashii kulankaa laga soo xigtay, Kulankaasi wuxuu isugu jiray shaqo, hadhimo iyo fadhi qayilaad oo ay xubnaha golaha dhexe ee beelaha Subeer Awal ee ka qaybgalay ay yeesheen, isla markaana waxa la sheegay inay ka qay galeen in ka badan 50 ergay oo la sheegay inay ka tirsan yihiin golaha dhexe, kuwaasoo oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, maareeyayaal iyo agaasimayaal hay’ado dawladda ka mid ah madax ka ah iyo weliba siyaasiyiin miisaan culus, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo isaga kala yimi gobollada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Gabiley.
Kulankaas oo ahaa mid warbaahintu dibad joog ka ahayd marka laga reebo sawirro guud oo madasha laga qaaday, balse sida xubno ka qaybgalay sheegeen, lagana dheehan karo muuqaallada taswiirta waxa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Beeraha – Dr. Sacad Cali Shire iyo Dr. Maxamed Aw Daahir, Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Daakhiliga iyo Warshadaha – Axmed Faarax Cadarre iyo Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ay ka mid yihiin; Ibraahim Axmed Haybe, Maxamed Xuseen, Maxamed Baaruud, Axmed Waysa-cadde iyo xubno kale, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), Guddoomiyaha Komishanka La-dagaallanka AIDS Prof. Cabdi Cali Jaamac, Agaasimaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Mucaawanooyinka WFP Mr. Siciid Xasan Ibraahim, Guddoomiyaha Garabka haweenka ee KULMIYE Canab Cumar Ileeye, agaasimayaasha qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, guddoomiyayaasha xisbiga ee saddexda Gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil iyo Gabiley, siyaasiyiin miisaan leh iyo aqoonyahan dhammaantood ka soo jeeda beelaha Subeer Awal, xubnana ka ah Golaha Dhexe ee KULMIYE, iyadoo martiqaadka ay isugu yimaadeena uu u Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kaloo la sheegay in madashaasi magacyadooda laga xaadiriyey ilaa 14 xubnood oo kale oo kulanka uga baaqday safarro dibadeed iyo hawlo kale oo ay ku mashquulsanaayeen, soona codsaday in la fasaxo balse illaha laga soo xigtay warkani ay sheegeen in ay mabda’ ahaan la socdaan, kuwaas oo ay ku jireen Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo masuuliyiin kale.
Waxa wararka illahaa laga soo xigtay intaa ku dareen in dhinacyadu isku xog-waraysteen fadhiga qayilaadda ah, iskuna raaceen dhammaantood oo ay ka go’an tahay taageerada iyo inay dhisaan murrashaxnimada Muuse Biixi Cabdi ee xisbiga KULMIYE gudihiisa Madaxweynaha Axmed Siilaanyo kadib, iyadoo halkaasi la isku waydaarsaday hugo-tusaalayn taariikh ku salaysan iyo dardaaran la is faray sidii looga midho-dhalin lahaa in doorashada Guddoomiye Muuse ee murrashaxnimada madaxweynenimo ee tartanka shirka Golaha Dhexe ee xisbiga.
