Hargaysa 09.Feb 2014 (SDN)- Fadhigii Golaha wakiilada Somaliland oo Xamaasad iyo Xiiso lahaa ayaa si wayn loo adkeeyay Amaanka. Ilaalinta Amaanka ayaa u muuqatay mid aanu Golaha wakiiladu dalban islamarkaana dhinaca Xukumadda ka yimid.
Ka hor Inta aanu Fadhigaasi bilaaban ayaa waxaa soo galay Aqalka wakiilada Saraakiil Boolis ah oo qaar kood Madaxtooyada ka tirsan yihiin. Saraakiisha ayaa Amar siiyay Dad fadhiyay Kuraasta Martida ee wakiilada islamarkaana isku dayay inay ka dareeriyaan. Xildhibaano Buuqa ku war helay ayaa ka hor istaagay in la dareeriyo dadka Golaha martida u ah islamarkaana Saraakiishaasi waydiiyay sababta ay u dareerinayaan dadka Golaha soo bookhday.
Saraakiisha ayaa ku dooday inay Amniga sugayaan islamarkaana xil ka saaran yahay Amaanka, dadkaasina aanay sharci ahayn inay meesha fadhiyaan, iyagoo ku dooday inay Amaanka golaha khalkhal galin karaan. Muwaadiniinta ka soo qayb galay fadhiga wakiilada ee Xaasaasiga ahaa ayaa waxaa ku jiray Saraakiil Xisbiga waddani ka tirsan oo ka soo qayb galay sida ay u dhacayaan Mooshinada Wakiilada la filayay in la keeno.
Saraakiisha ayaa Albaabada Aqalka Wakiilada ku sugnaa ilaa markii fadhigaasi dhamaaday, iyadoo ilaa dibada Golaha wakiilada Ciidan lagu daadiyay ka dib markii Dadweyne la socday Guuxa Golaha ka taagnaa maalmihii u dambeeyay islamarkaana ka dhur sugayay waxa uu ku soo dhamaan doono Fadhigasi.
Golaha wakiiladda ayaan wax rabshad ahi ka dhicin ka dib markii Mooshin ay saxeexeen inta badan Mudanayaasha Fadhigaasi ka soo qayb galay oo Xisbiga Kulmiye taabacsani uu Gudoomiyaha wakiiladu sheegay in la taliyaha Sharciga ee Golaha wakiilada loo gudbinayo islamarkaana si degdega uu u xidhay Fadhigii Golaha wakiilada.
Xildhibaanada Mooshinkaasi watay oo filayay in Fadhigaasi lagu ansixin doono ayaa ku hugoobay . waxay si wayn uga biyo diideen Go’aanka Gudoomiye Cirro ee ah in Sharciga la mariyo Mooshinada oo ku aadanaa In dib loo furo Xeer hoosaadka wakiilada, tirada xilka ka qaadi kara Gudoomiyahana laga dhigo 42 mudane halkii ay ka hayd 55 mudane. Waxa sidoo kale ay dalbanayeen in la kordhiyo Fadhiyada Golaha oo fasax ku soo fooleeyahay.



Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
