Muqdisho May 12,2012(SDN)-Raiisul wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kolkii u horeysay ka waramay dhawaaq dhawaan ka yeedhay madaxweynaha Puntland oo uu ku dhaliilay Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Faroole ayaa Dastuurka ku dhaliilay arrimo uu ugu yeedhay in ay lidi ku yihiin danaha Puntland.
Raiisul wasaare Cabdiweli Gaas oo u waramay iddaacada afka dawlada ku hadasha ayaa sheegay in fikirka Faroole ee ku wejahan Daastuurka uu yahay mid isaga ku kooban.
Gaas waxa uu intaa raaciyay in hadalka Faroole aanu waxba yeeli doonin hanaanka Road Mapka loogu yeedho ee hirgelintiisa dawladu haatan gacanya ku heysa.
Waa markii u horeysay ee uu Raiisul Wasaaruhu Jawaab noocana ka bixiyo hadalo soo noqnoqday oo ka soo yeedhay madaxweynaha Puntland.
SDN-Muqdisho
