Hargeysa, 12, May 2012 (SDN)- Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, ayaa Wasaaradda Maaliyadda maanta ku wareejisay lacag ka soo xarrootay heshiis ay la gashay shirkad shidaalka ka baadhi doonta Somaliland oo la yidhaa OPHIR Energy. Shir jaraa’id oo ay wada jir manta u qabteen Wisiirrada Macdanta iyo Biyaha, Maaliyadda iyo Wakiilka Shirkada, ayaa si rasmi ah Wasaaradda Maaliyada loogu wareejiya lacag xaddigeedu dhan yahay $579,795 kun (Shan boqol iyo sagaal iyo toddobaatan iyo toddoba boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo dollar). Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray heshiiskan iyo wax-ka-beddel lagu sameeyey, waxaannu xusay inay shirkadu dhawaan hawshii shidaal baadhista dhawaan bilaabi doonto, lacagtii heshiiska ay ku galeena Wasaaradda Maaliyadda guddoonsiin doonaan, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad u soo dhawaynayo lacagtaas Wasaaradda Macdantu guddoonsiisay Rashiid Mustafe Xaaji Nuur oo ah wakiilka shirkadda shidaalka baadhaysa ee OPHIR Energy, ayaa sheegay in shirkadoodu afar sannadood dalka ku sugnayd, isaga oo intaa ku daray inuu aad u faraxsan yahay in lacagta ay ku wareejiyaan Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.
SDN, Hargeisa
