|

Gabiley: Hoggaamiyaha eedaysaneyaal ay dawladdu raadinaysay oo lagu qabtay Hawlgal Ciidanku sameeyay

Gabiley 25, Feb.2012 (Qurbejoog.com)- Ciidanka Amaanka Somaliland, ayaa galabta gacanta ku dhigay Mr. Maxamed Maxamuud Cawaale oo ku magac-dheer Cawar-xareed oo ka mid ahaa koox ay dawladdu in muddo ah qabashooda ku hawlanayd.

Mr. Cawar-xareed oo wasiirka Daakhiliga Somaliland ku tilmaamay hoggaamiyaha 9 nin oo ku eedaysan dilka saddex qof oo shacab ah oo horaantii bishii December 2011 lagu dilay degaanka Seemaal oo ka tirsan degaanka muranku ka jiro ee Ceel-berdaale, waxa abaaro 3:00 galabnimo ee maanta lagu qabtay gudaha degmada Gabiley.

Sida uu shabakadda Qurbejoog.com u sheegay weriye Aaden Cabdi Ciidle oo ku sugan Gabiley, eedaysanahan waxa lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen ciidanka Booliska oo kaashanaya ciidanka Milateriga.

Jaamac Maxamuud Diraysle oo ah hawlgelinta qaybta Booliska Gabiley, waxa uu sheegay in ciidanku weerareen guri ku yaala galbeedka magaalada Gabiley oo uu ku jiray eedaysane Cawar-xareed. “Sida uu madaxa hawlgelinta Booliska ee qaybta Gabiley noo xaqiijiyay, hawlgalkan wax khasaare ahi kama dhalan,” ayuu yidhi weriyuhu. “Cawar-xareed waxa uu isku dayay inuu is difaaco, wuxuuna hawlgalka qabashadiisu socday 2:10 ilaa 3:00 galabnimo, gabadh uu qabana waa lala qabtay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in eedaysanahan loo soo dhaadhiciyay dhinaca caasimadda Hargeysa, isla markaana lagu xidhay laanta Dambi-baadhista Booliska (CID), si su’aalo loogu waydiiyo.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed