|

Galaydh Oo Socdaal Uu Taageerayaashiisa Kaga Dhaadhicinaya Ahmiyadda Heshiiskii Khaatumo Iyo Somaliland Ku Maraya Gobollada Sool & Buuhoodle DAAWO

Laascaanood 18. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh oo tan iyo markii uu Somaliland Heshiiska la saxeexday ku sugnaa Magaalada Hargeysa, balse dhawaan ku laabtay Magaalada Buuhoodle, ayaa Shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Kalabaydh ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha Khaatumo oo deegaannada Gobollada Sool iyo Buuhoodle ku mari doono safar qayb ka ah dhaqan-gelinta heshiiskii uu Somaliland la galay isla-markaana uu Bulshada deegaannadaa kaga dhaadhicinayo ahmiyadda Wada noolaashiyaha Bulshada, ayaa waxa Safarkiisii koowaad waxa lagu soo dhaweeyay Magaalada Kalabaydh.

Galaydh ayaa waxa duleedka Magaalada Kalabaydh kaga hor-tagay tobannaan Gaadhi, markii uu Magaalada galeyna waxa soo dhaweeyay boqollaal Dadweyne ah, kuwaasi oo uu markii dambe Fagaare kala hadlay.

Prof. Cali Khaliif Galaydh wuxuu hadal kooban oo uu Dadweynihii soo dhaweeyay u jeediyey ayuu ku sheegay in Dadka deegaannadaasi ka soo daaleen colaad, hadday tahay mid ay deriskooda la galaan iyo hadday tahay mid iyaga dhexdooda ah, sidaasi darteed loo baahan yahay inay dantooda gartaan, waxaanu yidhi “Oday baa berigii Dawladdii Siyaad Barre la waydiiyey maxaa ku dhibay ee aad Dawladda Mucaarad ugu tahay, markaasuu yidhi, Dawladdii tan ka horreysay Mucaarad baan ku ahaa, Tanna joogtana Mucaarad baan ku ahay, ta soo socotana Mucaarad-baan ku ahay, waxaan leeyahay waar in innaga badan oo Culays ama dhib ah oo nacayb ah, mid innaga iyo deriskeena ha noqoto, mid innaga dhexdeena ah ama Xukuumad kale ah meel kastaba ha joogtee ah (Waynu soo aragnay).”

Prof. Galaydh waxa kale oo uu xusay “ILAAHAY waxaan ka rejaynayaa in markan taladeenu nabad noqoto, wixii danteena ahna goonyana laga wada joogo….”ayuu yidhi.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa socdaalkiisu aanu ku ekaan doonin Kalabaydh, balse inta badan Gobolka Sool iyo Buuhoodle wada maraya.

Comments are closed