|

Prof Ismaaciil Buubaa Oo Sheegay In Somaliland Go’doon Noqon Karto Hadday Xilligan Ka Guurto Lambarka Dal Ku-galka Ee Dunida Ku Xidha DAAWO

Hargaysa 18. January 2018 (SDN/QJ):-Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Muran ku saabsan Lambarka  Dalka ku-galka (252) ee Somaliland iyo Soomaaliya wada isticmaalaan, kaasi oo Somaliland doonayso inay ka guurto oo ay samaysato Dal ku-gal gaar u ah.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa Toddobaadkan hadal uu u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo ansixiyey Wasiirro uu ka mid ahaa, ayaa sheegay inay damacsan yihiin inay Somaliland yeelato Dal ku-gal gaar u ah oo marka Dalalka dibedda laga soo garaacayo Somaliland la isticmaalo isla-markaana ka duwan ka ay hadda wada adeegsadaan Somaliland iyo Soomaaliya ee ah 252.

Ismaaciil Hurre Buubaa wuxuu sheegay in Hay’adda Caalamig ah ee Lambarrada Dal ku-galka ah bixisa ay siiso Dal la aqoonsan yahay oo keliya, sidaasi darteed inta Somaliland aqoonsigeeda helayso ay habboon tahay inay isticmaasho Dal ku-galka ah 252 ee ay Soomaaliya wada isticmaalaan, haddii kale oo ay ka guurto ay suurto-gal tahay inay Somaliland go’aan ka gasho Adduunka intiisa kale.

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya waxay wada isticmaalaan Telefoon Lambarka 252 (Marka dibedda laga soo hadlayo), markaa Aniga waxay ila tahay illaa inta aynu Madax-bannaanideena helayno in sidii horeba loo wada isticmaali jiray loo wada isticmaalo (Somaliland iyo Soomaaliya)…”

Siyaasi Buubaa wuxuu Dawladda Soomaaliya ka waaniyey inay ku kacdo Xad-gudub carqalad ku keeni kara wada Adeegsiga Somaliland iyo Soomaaliya ee Lambarrada Dal ku-galka “Soomaaliya waa in wax Xad-gudub ah samaynin iyada oo aan la tashan Somaliland, Somaliland waxa looga baahan yahay inta ay Madax-bannaanideeda helayso in wax sidaasi ahi (Isbeddel) ku dhicin Lambarka (Caalamiga ah ee lagala soo xidhiidho Somaliland), si aanay Somaliland ugu dhicin Go’doon, Waayo? Adeeggani waa adeeg loo wada baahan yahay.”ayuu yidhi, Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo Shalay u warramay Telefiishanka SAAB.

Comments are closed