|

Ganacsade Jabuutaawi oo hub kala soo degay Garacad

Laascaanood May 06, 2023 (QJ) – Ganacdadaha reer Laascaanood ee Maxamed Jabuutaawi ayaa la sheegay in dhawaan uu hub baaxad leh oon la sheegin halka uu ka soo iibsaday kala soo degey dekedda Garacad.

Ganacsadaha oo aan beryahan hadalkiisa la maqal, muuqaalkiisana aan ka soo muuqan warbaahinta ayaa maqnaashiisa isweydiin badani ka dhalatay.

Dadka qaar ayaa sheegay in Ganacsaduhu aanu ku qanacsaneyn sida loo maamulayo kacdoonka Laascaanood iyo awoodii isbedel doonka oo isu bedeshay mid u jeedo bada ah.

Si kastaba ha ahaatee, Ganacsade Jabuutaawi iyo Jamaahiirta uu higaamiyo ayaa haatan u muuqda qaar ku qancay in reer Laascaanood isku tashaadaan si looga miro dhaliyo himilooyinkooda.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada lagu arkayay taageereyaasha Muuse Biixii oo ku faanaya siraha ciidana oo sheegaya hub uu isna dhawaan dibeda ka soo iibsaday.

Xaalada Laascaanood ayaa haatan u muuqata mid isku barbar dhac aheyd mudooyinkii u danbeeyay, ka dib kolii labada dhan tahli waayeen in ka kale uu muquuniyo.

Comments are closed