|

Xogta Sababaha aan weli loo qisaasin gacan ku-dhiiglihii dilay Sarkaalkii ciidamada Badda Lowoyocade

Hargeysa May 10, 2023 (QJ) – Xogo aanu ka heleyno ilo ka duwan ayaa tibaaxaya in dilka taliye xigeenkii ciidamada badda ee degmeda Lowoyocade Sarkaal Khadar Maxamed Caynaanshe uu ahaa mid qorsheysan oo Madaxtooyada Somaliland lugaha la galay.

Marxuumka ayaa ilo wareedyadu noo sheegeen in loo dilay xogo la xiriira ciidamada Muuse Biixi ka amar qaata oo uu ka warhelay.

Ilo wareedyada ayaa qaarkood noo sheegeen in Madaxtooayada Somaliland ay amartay dilka si xogtaa loo xafido, waana sababta aan ilaa haatan loo qisaasin gacan ku dhiigle Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi.

Beesha Marxuum taliye Khadar Maxamed Caynaanshe ayaa ilaa haatan naloo sheegay in la doonayo in lagu cadaadinayo qaadashadashada magta sarkaalka badheedhka loo dilay.

Xogta uu marxuumku ogaaday ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto hub dhawaan ciidamada Muuse dalka soo geliyeen oo aan la dooneyn in cidi ogaato.

Geesta kalena, gacan ku dhiigle Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi iyo beeshiisa ayaa iyaguna ku adkeysanaya in aan laga bixi karin balantii iyo amarkii uu dilka ku geystay, isla markaana diiday qisaasta ay dalbanayaan marxuumka reerkiisa.

Xogta lagu dilaye taliyaha ayaa hadii la soo bandhigo balaarin kareysa masuuliyada xadgudubyada dalka ka dhacaya iyo la xisaabtanka cid walba oo la ogaado in ay ku lug leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka reer Awdal oo arikan ka gadooday ayaa sababi kara dab la mid ah ka haatan ka aloosan Sool, kaas oo soo gunaanadi kara xukunka baadilka ah ee Muuse Biixi.

 

Comments are closed