|

Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge oo Farta Ku Fiiqay Siyaasadda Ka Dambeysa Maamul Goballeedyada Ku Soo Badanaya Somaliya

Hargaysa 31. May 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge oo hore na u soo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland, ayaa iftiimiyey ujeedka dahsoon ee laga lee yahay maamul goballeedyada ku soo badanaaya dalka Somaliya, waxaana uu sheegay in siyaasadda ka dambeysaa ay tahay siddii loo tirtiri lahaa wixii ka horreeyey taariikhdii 1960kii siddii ay Soomaali ahaan jiray ee ku dhisnayd labada dawladdeed ee Somaliland iyo Somaliya.

Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa arrintan ku sheegay boggiisa Facebook, waxaana qoraal dheer oo uu soo dhigay uu u dhignaa sidan:-

Waxaan jecelahay in Somaliland, noqoto qaran madax banaan oo intii degenayd ee wada lahayd Somaliland 1960kii ku wada deeqda cadaalad iyo sinaan. Somaliland madax banaan lakiin lagu qiimeeyo qofkasta oo Soomaali ah oo doona in uu ku nolaado ama ka shaqaysto Somaliland dhexdeeda!

Somalia in ay nabad noqoto oo dawlad wanaagsan alle siiyo waa danta qofkasta oo sinjiga Soomaali ah, waxaan jecelahay in lagu badalo caqliga ku dhisan Somali-weyn caqli kale oo lagu abuurayo laba wadan oo walaalo ah oo kala madaxbanaan oo xidhiidh walaalnimo la leh Jabouti, Somalida itoobiya, Somalida Kenya. Waa xoog siyaasadeed in sadex wadan oo Somali ahi xubno ka noqdaan IGAD, AU iyo UNta.

Waxaan aad uga soo horjeeda dawlad gobolada hada ku soo badanaya Somalia, waa aragti lagu baabinaayo siday Somaliyi kala ahayd wixii ka horeeyay 1960, Waa aragti aan isleeyahay waxay Somali u horseedi doonta burbur iyo colaado ku dhisan xuduudaha dawlad goboleedyada sida hada meelo badan ka taagan.

Jabouti, oo hada u dabaal degaysa 40 sano guuradii ka soo wareegtay xornimadooda, kumay khasaarin in ay dal madax banaan noqdaan halkii ay kaga biiri lahayeen Somali weyn, maanta iyaga ayaa Soomaali wax tara oo ciidamadooda Hiil walaal jogaan Somalia. 40 sano oo madax banaani ah waxay gadheen horumar iyo in ay noqdaan dekadii Africada aan badaha lahayn(Itoobiya iyo South Sudan) Waxaan u rajaynayaa 40sano oo kale oo horumar ah walaalaha jaboouti

Waxaan ku faraxsanahay dadaalka iyo Horumarka xawliga ku socda ee ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaan horaantiiba u hambalyeeyay madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Abdi Mahamoud Omar, waa dadaal horumarineed oo runtii ku fajacgalinaaya waanan ku habalyaynayaa dadaalka iyo guulaha laga gaadhay dhinacyada waxbarashada, cafimaadka, beeraha, waraabka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo warshadaha. Waxaan u sii rajaynayaa guulo xiga oo fara badan iyo horumar taam ah, waxaan ugu riyoonayaa in ay ka mudhaan oo ka muuqdaan itoobiya inteeda kale!

Waa la samayn karaa Soomaali sharaf ku leh geeska Africa, Africa iyo Aduunkaba oo iyaga oo kala madax banaan oo wadamo kala ah, hadana walaalo ah oo isu dhimankara lakiin taasi waxay u bahantahay in ay helaan madax il-dheer oo halkaas gaadhsiisa Somalinimada.

Comments are closed