Istanbul Oct 28,2013(SDN)-Inta badan mucaaridka dalka Syria ayaa shaaciyay in aaney sinaba u ogolaan doonin in ay wadahadal la galaan xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Bashaar Al Asad ee dalkaasi.
Wadahadalada nabadeynta Syria oo ay qaban qaabiyeen dawladaha Mareykanka iyo ruushka oo la kala safan dhinacyada Syria ayaa mudo la abaabulayay.
“Waxaanu shaacineynaa in shirka Geneva in aanu marnaba noqon kareyn wax umaddu dooneyso ama uu yahay ujjeedadii kacdoonka”sidaa waxa yiriAxmed Ciise al-Sheikh oo ah madaxa kooxda Suqour Al Sham.
Kooxahan qadacay wadahadalada Geneva oo ka kooban 19 ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda Bashar Al Asad ayaa ah kuwo awooda ugu badan ku leh dalkaasi.
Hase yeeshee kooxda heysata kalsoonida ugu badan ee dalalka reer Galbeedka ee Syrian Coalition oo culeys faro bada dul yaalo ayaa sheegtay in ay goaankooda ku wejahan wada hadalada dalka Syria.
Xulafadu waxa kale oo ay intaa ku dareen in ay caalamka goaankooda u soo gudbin doonaan bisha ina soo heysa 9keeda.
SDN-Istanbul
contact@somalidiasporanews.com
