Uncategorized

Garowe oo Dib looga Bilaabay Samaynta Wado Laami ah

Garowe 21.Jan 2014 (SDN)- Mamulka magalada Garowe xarunta Puntland ayaa  dib u bilaabay shaqadii laga hayay wado laami laga dhigayo oo bilihii ugu danbaysay socotay.

laami1Shaqada wadadan laga waday ayaa hakad ku yimi mudo bil ku dhow,maadama ay soo hoos gashay dorashada Puntland iyo loolankii ay wadeen murashaxiinta xilka doonaysay.

Duqa Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi oo warbaahinta kula hadlayay bartamaha wadada Islaan Maxamed oo dhowaan laami noqonaysa,ayaa sheegay inay ku hanwayn yihiin in dhaqso laamigaan uu u shaqo bilaabo, wuxuna dadka degan hareeraha wadadaan ku amray inay ka qayb qaataan qurxinteda marka howshan la dhameeyo.

”ku tala galka wuxu ahaa in sanadkii hore la dhameeyo,balse waxaa hakiyay duufaantii dhacday iyo doorashadii Puntland ee 8 Janaayo 2014 dhahcday, saakay ayaa la bilaabay wajigii labaad waxana la saarayaa laamiga,toban cisho ayaana ku rajo wayn nahay in lagu dhameeyo”.Cabdicasiis Nuur Cilmi.

Wado kale oo ka leexata dowlada hoose horteeda iyo saddex kale oo wadooyin ah cusub ah ayuu duqa Garowe sheegay inay dhowaan bilaabi doonaan, waxayna ka mid yihiin hormarka ka socda caasumadda.

Dhismaha wadadaan ayaa qayb ka ah mashruuca la yiraahdo JPLG oo hada ka shaqeeya dhowr degmo oo qarkood laamiga ka degsan,waxayna dhareerkooda uu gaarayaa 1320-mitir.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com