|

General Gaafow Oo Markii Ugu Horraysay Si Faahfaahsan Uga Hadlay Dhulka Lagu Eedeeyey Inuu Xoog Ku Haysto Iyo Cidda Dhab ahaan Mulkiyadiisa Iska Leh

Muqdisho:31-Jan-2014(SDN)-Taliyaha Laanta Socdaalka Somalia General C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa Gaashaanka u Daruuray Warar ayaamahanba la Isla Dhex marayey oo Sheegayey inuu Xoog ku Aqal aanu lahayn oo ku yaalla Muqdisho.

gafowTaliyaha ayaa sheegay in dhulka lagu eedeeyay inuu degan yahay uu yahay mid banaan oo deris la ah hoygiisa islamarkaana aanay jirin hay’ad ama shaqsi degan Haatan, Waxana uu intaas ku Daray inuu Dhulkaas leeyahay Nin u dhashay dalka Talyaaniga oo ay sheeganayaa Shakhsiyaad kala Duwani.

“Dhulkan markiisii hore waxa deganaan jiray nin u dhashay wadanka Talyaaniga oo milkiyadiisa leh hase yeeshee intii lagu guda jiray burburkii waxaa uu noqday meel burbursan oo qashinka lagu shubo dad badan ayaana sheegta ilaa hadda inay leeyihiin mana garan karno cida saxda ah iyo kuwa doonaya inay boobaan hase yeeshee waxaa jira hay’ado garsoor oo dalku leeyhay kuwaasoo ay la xdhiidhi karto cidii dacwad ii heysata” ayuu yidhi Generaal Gaafow.

 

Sidoo kale taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha C/lllaahi Gaafow ayaa cadeeyay in isagu aanu sina ugu lug laheyn dhulkaasi balse uu ka ag-dhow yahay oo kaliya ah hoygiisa waxaase uu ku tilmamaay sababta loogu eedeeyay inay tahay mid ay siyaasadi ka dambeyso oo aan loo baahneyn in lagula kaco shaqsi haya mas’uuliyad dowladeed.

 

“Ilaa 3 haween ah oo mid weliba ay sheeganeyso inay xaaskiisa tahay ninka dhulkan leh ee u dhashay wadanka talyaaniga ayaa dhowr jeer yimid dhulkan marka eedeynta la ii jeediyay waa mid dano gaar ah laga leeyahay oo lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhulka ninkaasi oo isagu aan dalka iman tan iyo markii ay dowladii dhacday”ayuu yidhi Generaal Gaafow.

 

Generaal Gaafow ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay safaarad ku leedahay Soomaaliya, isla markaana muwaadinka leh dhulkan hadii uu dacwo qabo uu dacwoon karo.

Generaalku waxa uu xusay in qofkii dhul leh looga baahanyahay inuu la yimaado cadeymihiisa hase yeeshee qof milkiile ah website ama Youtube ma adeegsado, isagoo yiri “Nin sharci ku dhashay sharci ma diido”

Maalmihii ugu dambeeyey waxa Warbaahintu si weyn wax uga qoraysay Warar sheegaya inuu Madaxa Laanta Socdaalku Haysto Dhul aanu Lahayn, waxase tani ay noqonaysaa markii ugu horraysay ee eedahaas sii Toos ah iskaga Difaaco.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed