|

Go’aankii Maxkamada ICJ ka gaartay dacwada badda Somalia iyo Kenya oo la shaacinayo

Nairobi 22. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Qaramada Midoobay (ICJ) ayaa sheegtay iney shaacineyso go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee dacwadda soohdinta badda ee ay Soomaaliya ku soo oogtay Kenya.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqi doona go’aanka Maxkamadda Galabnimada Khamiista, 2-da Febraayo 2017.

 

Go’aanka Maxkamadda looga fadhiyaa waa inay dacwadda gasho sida ay Soomaaliya dooneyso ama inay u aragto in aanay geli karin dacwaddan sida ay Kenya dooneyso.

 

Maxkamadda Xarunteedu waa magaalada Hague ee dalka Netherlands, waxaana go’aanka maxkamada si weyn dhegta ugu taagaya shacabka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Comments are closed