|

Shan Aragtiyood Oo Afrika Ay Ka Qabto Madaxweynaha Xilka Maraykanka Loo Dhaariyay Ee Trump

Washington 22. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Donald Trump waxaa loo dhaariyay madaxtooyada Maraykanka isagoo sheegay inuu wax weyn ka bedeli doona sida dalkiisu ula dhaqmo dunida inteeda kale. Hadaba talaabadani siday u saamayn doontaa xidhiidhka Washington iyo Afrika?

Koonfur Afrika

Koonfur Afrika waxay dedaal dheer u gashay sidii ay isaga dhigi lahayd dal aan deeq u baahnayn balse ah dal aanu Maraykanku xiriir ganacsi uga maarmayn. Dadka dhaliila heshiiskaa ayaa sheegay in Koonfur Afrika ay dan u ahayd in ay sida dalalka kalee Afrika garawsato taagteeda uu ku gorgortamo in ay tahay dal ay Maraykanka yihiin xullafo aan liicayn.

 

Nigeria

 

Ilaa markii la doortay madaxwyne Muhammadu Buhari sannadkii hore, Nigeria waxay hagaajisay xiriirkii ay la lahayd Maraykanka, oo ay hore u dhaawaceen eedaymo Maraykanku u jeediyey ciidanka Nigeria oo uu ku eedeeyay in ay ku xad gudbeen xuquuqda aadanaha. Gaar ahaan dadkii ka soo cararayey mintidiinta Boko Xaraam. Ciidanka Nigeria wuxu ka helay tababar iyo qallab milatari ba maamulkii Obama waana hubaal in ay quuddarraynayaan in Trump uu sii wado xiriirka jira.

Uganda

 

Dowladda Maraykanku waxay sannad kasta deeq ahaan u siisaa Uganda 700 milyan oo dollar. Lacagtaa badankeedana waxa la geliyaa mashaariicda caafimaadka, gaar ahaa daawaynta bilaashka ah ee cudurka HIV/AIDS.

 

Walaaca ay Kampala ka qabto maamulka cusub waxa weeye in uu joojiyo ama yareeyo deeqdaa la siiyo dalka. Dhanka kalena mucaaradka qaarkood ayaa ku dooday in gargaarka maaliyadeed ee dalku dibadda ka helayaa inuu dowladda siiyo fursad aan lagula tartami karin. Haddii Maraykanku dhimo deeqdaa uu bixiyo wuxuu dhaawac wayne gaari doonaa adeega caafimaadka dalka.

 

Kenya iyo Soomalaiya

 

Ku dhawaad 90,000 oo qof ee u dhashay Kenya ee jooga Maraykanka saddex meelood waxay ku joogaan bilaa sharci sida ay sheegtay xarunta cilmi baarista ee Pew. Taa macnaheedu waxa weeya in 30,000 oo qof dib loogu soo celin karo Kenya hadii madaxweyne Donald Trump meel mariyo ballan qaadkiisii uu ololaha ku galay ee ahaa inuu dadka bilaa sharciga ah mastaafurin doono.

 

Kooxda u qaabilsanayd Trump hawlaha kala guurtu waxay sidoo kale qiimaynayaan xidhidhka Kenya iyo Afrikada kale kaas oo dhaliyay walaac badan oo laga qabo xiriirka labada dhinac.

 

Kooxdu waxay su’aal geliyeen sababta Maraykanku dagaal aanu ka guulaysanayn toban sannadood ugula jiro Alshabaab. Waxaanay sidoo kale su’aal geliyeen in lacagta Washington ku bixiso deeqda ee Afrika la siiyo si haboon loo adeegsado iyo in kale.

 

Zimbabwe

 

Madaxweyne Robert Mugabe dowladiisu waxay sheegtay in ay rajaynayso in is bedelkaa dhacay hagaajin doono xiriirka ay Washington la leedahay. Mugabe iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladiisa ayaa dowladii George Bush ka xayirtay in ay galaan dalkeeda sabab la xiriira tacadiyo xuquuqda aadanaha ah awgood.

 

Mugaabe wuxuu rumaysan yahay in cuna qabataynta saarani tahay mid sharci darro ah. Laakiin Trump weli kama hadal Zimbabwe iyo Mugabe toona waxase jire waxyaabo muujinaya in mawqifkiisa ku aadan Zimbabwe aanu waxba ka duwanaan doonin kii madaxweynihii isaga ka horeeyay.

 

Xigasho: BBC

Comments are closed