Hargaysa 02.June (SDN) Xulka Martigalinaya Tartanka Ciyaaraha ee Gobolada Somaliland ee Maroodijeex ayaa daqiiqadiihii u horeeyay ee bilowga Ciyaarta Gobolada Somaliland oo ay Galabta isku Haleeleen Maroodi Jeex Vs Saraar ayaa Goolkoodii 1aad la Yimid iyadoo Ciyaartoyga Goolkaas Saxeexay Maxamuud Cabdi Xasan Koofindhe Isla Markaana Nasiib u helay Gaadhi Granda ah,Hasa yeeshee daqiiqado kooban kadib uu Ciyaar yahanka Lagu Magacaabo Casayr Maxamed ee u Ciyaara Gobolka Saraar uu Lugtiisa ku dhaliyay Goolkii Barbar dhaca oo haatan Ciyaarta oo Qaybtii Hore Socota ka dhigtay 1 Gool iyo 1 Gool .
Xulka Gobolka Maroodi Jeex ayaa Markaas kadib Waxa uu Helay Gool ku Laad Toos ah taas oo ka dhigtay 2 Gool iyo 1 Gool,Waxaaana Goolkaasi u Saxeexay isla Ciyaar yahankii Goolka Koowaad u dhaliyay Xulka Gobolka Maroodi Jeex Maxamuud Cabdi Xasan Koofindhe,Sidoo kale Kabtankii Xulka Gobolka Saraar ayaa Kaadh Cas la Siiyay kadib markii Khalad ka galay Ciyaar yahan ka tirsan Xulka Gobolka Maroodi jeex.
Qaybtii Hore ee Ciyaarta ayaa ku Dhamaatay 2 Gool oo ay ku hogaaminayaan Xulka Gobolka Maroodi Jeex iyo Hal Gool oo ay la Yimaadeen Xulka Gobolka Saraar.
Qaybtii labaad ee Ciyaarta Markii la isugu Yimid waxay labada Xul soo bandhigeen qaab Ciyaareed farsamadiisu sarayso kuna dhisan Weerar iyo Weerar Celis hasa yeeshee labada dhinac midna umay suuro galin inay Wax gool ah la Yimaadaan waxaanay Ciyaartii ku dhamaatay 2 gool oo ay Guushu ku raacday Xulka Martida loo yahay ee Maroodi Jeex iyo Hal Gool oo ay la yimaadeen Xulka Saraar.
Maalinta Beri ah Wuxuu Tartanku dhex mari doonaa Xulalka Gobolada Hawd iyo Badhan.
Gudoomiyaha Xidhiidhka Kolayga Maxamud Xasan Cabdi ayaa noo Xaqiijiyay inuu habeen danbe furmi doono Tartanka Kubada Kolayga ee Timcade taas oo lagu furi doono Xulalka Gobolada Maroodi Jeex iyo Hawd.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com

