|

Somaliland: Dal Shacbigiisu Ka Quusteen In Dawladoodu Ay Dabaqdo Go’aamada Ay Soo Saarto

Hargaysa 13. February,2016(SDN/QJ):– Rejadii shacbiga  Somaliland ee la xidhiidhay in maceeshadda qaaliga ah wax laga qabanayo, si kor loogu qaado nolosha bulshadda qeybaheeda danyarta ah ayaa ah mid imika  xiisaheedii u sii gudhayo sida xunbada oo kale.

sarifGo’aankii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqday 21 Bishii January 2016, ee ku wajahnaa in la quweeyo lacagta shilinka Somaliland ayaa gabi ahaan-ba aanay waxba ka fulin oo noqotay qiire dhawr maalmood ku gudhay. Illaa imika waxa aan waxba laga qaban in lacagta shilinka Somaliland noqoto ta kaliya ee suuqyadda ganacsiga wax lagaga iibsado.

Waxase jira oo qaraarkii xukuumadda ka hirgalay qoddobkii la xidhiidhay in qiimaha sarifka doolarka  hoos loo dhigo oo aanu ka badnaan halka doolar 6500 oo shilin. Waxa rayul caamku ay sheegeen in tan iyo markii uu soo baxay  dhawaaqii xukuumaddu in sarifkii doolarku uu noqday mid qadar yara xasilay oo aan kor u dhaafin lix kun oo shilin.

Waxase wer-werkeeda leh in aanay maceeshadii daruuriga ahayd la jaan-qaadin sarifka doolarka ee hoos u ciiray, taasina ay keentay kala dhantaalan taban oo halisteeda leh.

Mushkiladda ugu weyn ee dadweynaha niyad jabisay waxay tahay in awaamiirta dawladdu soo rogtaa ay sida qaalibka ah noqdaan qaar aan lagu samayn dabo-gal ah(Monitering), taasina waxay xukuumadda u soo jiiday dheg xumo  wax u dhintay yididiiladii shacbigu ku naaloonayay.

Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah iyo baanka dhexe ee Somaliland ayaa barkinta ka dheeraystay kaalintii ay ku lahaayeen inay ka shaqeeyaan ficil u rogida go’aankii Madaxweynuhu ku dhawaaqay, xukuumaduna ay shacbiga kaga kasbatay taageero laxaadle.

Geesta kalena shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM Iyo SOMTEL ayaan iyaguna waxba ka fulin doorkii ay ku lahaayeen siyaasadii cusubayd ee dawladdu la timid, waxaanay iyaguna balaadhin inay  adeegyadooda ZAAD iyo E-DAHAB ay suurtogal ka dhigaan in lacagta lagu kaydsado.

 

Bal ma is weydiiseen maxaa ka fulay sagaalkii qoddob ee wasiirka madaxtooyaddu Golaha wasiirrada ka hor akhriyay ee xukuumaddu soo rogtay:

1-Qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda iyo bulshada Somaliland inay si waddaniyad leh u isticmaalaan lacagtooda ah shillinka Somaliland oo ay aaminaan, iyadoo la go’aansaday in madaxda qaranku iska bilaabaan dhiirrigelinta iyo isticmaalka lacagta dalka.

2-  Waxa aannu ka shaqaynaynaa oo diyaarinaynaa in seeska loo dhigo siyaasad waarta oo xal loogu helo in qiimaha sarifka Somaliland fadhiisto, bartilmaameedka sarifka halka doollarna noqdo lix kun oo shillin (6,000 SLSH), isla markaana $100 doollar noqdo lix boqol oo kun (600,000SLSH), siyaasaddaas oo ah in haddii sarifku hoos u dhaco in sare loo qaado, haddii uu kor u kacana la yeesho awood hoos loogu dhigo.
3. Xukuumadda Somaliland, waxa ay bulshada u dammaanad qaadaysaa in la xakameeyo, lana ilaaliyo hantida kaydka u ah ummadda iyo hantida dakhliga miisaaniyadda, labadaasna la kala ilaaliyo, iyadoo xukuumadduna ku dhaqmi doonto, hirgelin doonto lacagta miisaaniyadda 2016, lacagtaas mid aan ahayna suuqa la gelin maayo, loona gudbi maayo in suuqa lagu fatahiyo lacagta kaydka u ah qaranka.

  1. Waxa la go’aansaday in xukuumaddu lacagta cashuuraha ah ku qaado shillinka Somaliland, marka laga reebo cashuurta xeer waajibiyey in lagu qaado lacag qalaad ama uu jideeyey nidaam soo jireen lagama maarmaan u ah qaranka, tusaale, lacagta adag ee laga qaado xoolaha, lacagta lagu qaado madaarrada diyaaradaha, waxaanna goobahaas loo reebay in lacag adag lagu qaado waa iyadoo qaranka Somaliland u baahan yahay lacag adag oo soo gasha, kuwaasoo loo isticmaalo adeegyo muhiim u qaranka, sida iibka raashinka ciidammada.
  2. Waxa xukuumadda Somaliland garwaaqsatay in la dhiirigeliyo wax-soo-saarka dalka gudihiisa, sida beeraha, xoolo-dhaqashada, beeyada, xabkaha, kalluunka iyo wixii kale ee la midka ah.
  3. Xukuumadda Somaliland ee madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaamiyo waxa bud-dhig u ah siyaasadededa inay la dagaallanto musuqmaasuqa oo ay samayso maamul-wanaag, waxana isla qaatay in la soo kordhiyo maamul-wanaagga, hufnaanta, isla xisaabtanka, iyadoo la horumarinayo nidaamka dib-u-habaynta maaliyadda, xeerarkooduna horyaallaan Golaha Wakiillada, kuwaasoo sugi doona in muwaadiniinta Somaliland la socdaan halka lacagtoodu ku baxdo.
  4. Waxa la samaynayaa wacyigelin ballaadhan oo isdaba joog ah oo bulshada muwaadiniinta ah lagu wacyigelinayo inay lacagtooda shillinka ah isticmaalaan oo ay isku tashadaan sidii aynu horeba isugu soo tashanay.
  5. Waxa aannu samayn doonnaa, lana xoojin doonaa ku dhaqanka sharciga (low inforcement) la xidhiidha fulinta sidii loo dhaqan-gelin lahaa in si buuxda loo isticmaalo shillinka Somaliland, iyadoo aannu xoog ku wadi doonno in lacagta Somaliland shaqayso, magaalooyinka iyo suuqyada ku dhex wareegto.
  6. Waxa xukuumaddu go’aansatay inay xoojiyo awoodaha Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland si uu u xakameeyo la-dagaallanka sicir-bararka iyo qiimo-dhaca shillinka Somaliland, wuxuuna Baanka Dhexe u baahan yahay awood iyo dhaqaale dheeraad ah oo lagu kabo.”

Comments are closed