|

Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa oo Meel Mariyay Afar Gudi hoosaad oo ay yeelanayaan.

Hargaysa 31Jan(SDN) Golaha Deegaanka ee Caasimada Somaliland ee Hargaysa oo soo Gabo gabeeyay Kalfadhigoodii ayaa maanta ku ansixiyay afar Gudi hoosaad oo golahoodu yeelanayo.

Fadhigan oo uu Shir Gudoominayay Ku Simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Gudoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka C.casiis Maxamed Xaashi,Waxaa goob joog ka ahaa Todoba iyo Toban Xildhibaan oo ka mid ah Shan iyo labaatanka Xubnood ee Golaha Deegaanka Caasimada  Hargasya ka kooban yahay.

Mudanayaashu waxay Cod gacan taag ah ku ansixiyeen Afar Gudi hoosaad oo golahoodu yeelanayo kuwaas oo kala ah Gudida Dhulka, Gudida Arrimaha Bulshada,Gudida Dhaqaalaha iyo Gudida Nabadgalyada, iyadoo Gudi waliba ay  iska dhex dooratay Gudoomiye,ku xigeen iyo Xoghaye,Warku waxa uu intaas ku darayaa in Samaynta Gudiyadan aaanay wax faro galin ah ku yeelan Maayarka iyo Ku xigeenkiisu toona.

Ku simaha Gudoomiyaha ahna Maayar ku xigeenka Caasimada hargaysa C.casiis Maxamed Xaashi ayaa sheegay in Kalfadhiyadoodu ay noqon doonaan Labadii biloodba mar,isla markaana ka dhamaaday ka ku xiga lagu falanqayn doono wixii u qabsoomay iyo qorshayaasha aan Hirgalin.

Hargaysa SDN.

Comments are closed