|

Haweenka iyo Beelaha laga Tirada badan yahay oo mar kale Codsi u diray Golaha Wakiilada Somaliland.

Hargaysa 31Jan(SDN) Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen  xubno ka socday ururada Haweenka  iyo  Beelaha  laga tirade badan yahay  Xarunta Ururka Haweenka ee Nagaad ee magaalada Hargeysa  ayaa waxa ay ku taageereen Baaqii  Madaxweynaha JSLand Mud, Axmed Maxamuud Siilaanyo mar labaad   kaga dalbaday Golayaasha sharci dejinta inay ansixiyaan  Kootadii  loo qoondeeyey Haweenka iyo Beelaha laga tirade badan yahay.

Agaasimaha fulinta Gaboodka Nagaad Marwo Nafiisa Yuusuf oo Ugu horayn kulanka ka hadashay waxay mahad-naq u jeedisay  madaxweynaha JSLand Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,sida  fiican ee uu mar-labaad golayaasha sharci dejinta uga codsaday inay  ansixiyaan kootada  loo qoondeeyay Haweenka iyo Beelaha laga tira- badan yahay. Waxaanay golayaasha sharci dejinta ka codsatay inay u tix-geliyaan  kootadaasi loo qoondeeyey.

Boqor Axmed Ugaas Iimaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay,in tobankii sano ee u danbeeyey ay beelaha la hayb soocaa ka maqnaayeen golayaasha ,iyaga oo doorashooyinkii kala danbeeyey markii ay is-tijaabiyeena ay ku soo bixi waayeen sababo xaga dhaqaalaha iyo degaanka aw-geed. Boqor Axmed Waxa uu  intaa raaciyey inay si weyn ugu diirsadeen khudbadii madaxweynuhu shalay  ujeediyey Labada Gole Baarlamaan,.

La taliyaha Madaxweynaha  ee arimaha bulshada Mud, Barkhad Jaamac  Xirsi,oo halkaasi ka hadlay ayaawaxa uu sheegay, in  isku xidhnaan la’aanki ka muuqato haweenka iyio Beelaha laga tirade badan yahay, loona baahan yahay in dedaal dheeraad ah ay galaan si loo ansixiyo kootada loo qoondeeyay.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Maxamed Axmed Barawaani iyo Gudoomiyaha Dallada Nafis.

Hargaysa SDN.

Comments are closed