Hargaysa 10.Feb 2014 (SDN)- Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada oo ay Mudanayaashu u balansanaayeen Guda Galka Mooshino Golaha Hor yaalay ayaa Waxaa Mar qudha Xaraaradii Golaha Dejiyay Ergo Ka Tirsan Golaha Guurtida oo uu Hogaaminayay Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida ,Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe,Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland C.raxmaan Aw Cali Faarax.
Ka hor intii aanu fadhigu furmin ayaa Ergada Guurtidu Waxay kulamo albaabadu u Xidhan Yihiin ay la yeesheen Sadexda Xubnood ee Hogaanka u ah Golaha Guurtida .
Warar Xog ogaal ah ayaa noo Xaqiijiyay inay u soo jeediyeen Ergadu labada Gudoomiye ku Xigeen in Codka lagu ridi karo uu noqonayo Sidii hore oo ah 55 Xildhibaan, Waxaa kale oo ay Sheegeen inay Kalsoonidii Wada Shaqayntooda .
Waxaa markaa ka dib Fadhiga soo Fadhiistay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” oo Mudanayaasha ku Wargaliyay inay Maanta u balansanaayeen Gudo Galka Mooshinadii Golaha Horyaalay iyo Talo Bixintii Sharci waxaa kale oo uu sheegay in Golaha ay u yimaadeen Gudi Guurti ah oo soo dhex gashay khilaafka Wakiilada.
Waxaa markaas kadib Mikirifoonka la wareegay Xaaji Cabdi waraabe oo sheegay sadexda shirguddoon golaha ay gacmaha isku saarayaan isla markaana ay ka aqbaleen in ay sidoodii hore isku ahaadaan, isagoo xaajigu sheegay wixii dhinaca sharciga ku xidhan iyo inay Mudo Hal todobaad ah ku dhamayn doonaan wixii Tabasho ah ee Jira isagoo intaas ku daray in markaas kadib ay Sadexda Gudoomiye ee isaga Hooseeya aqalka Wakiiladu ay ka Khudbadayn doonaan Golaha.
X Cabdi waraabe waxa uu xildhibaanada Ka dalbaday in ay ku waafaqaan oo Kala shaqeeyaan xalka khilaafka, taasoo ay dhamaantood aqbaleen, Heshiiska xaaji cabdi waraabe carabaabay ayaan si cad loo ogayn, hase yeeshe tibaaxaha soo baxaya ayaa sheegaya in la laali doono wax ka bedelkii goluhu ku sameeyey Xeer hoosaadka, kaasoo abuuray khilaafka golaha iyo dalkaba gilgilay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
