Hargaysa 10.Feb 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada JSL oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaasha la fasaxay muddo todobo cisho ah iyadoo khilaafaadkii jirayna lagu dhamaynayo dhexdhexaadin ay wadaan Golaha Guurtida Somaliland.
Fadhiga maanta ee Golaha wakiilada Somaliland waxaa marti u ahaa mas’uuliyiin ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo akademiyada nabadda iyo horumarinta ee Somaliland.
Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi waraabe) oo ah gudoomiyaha gudiga joogtada ah ee Golaha Guurtida oo da’diisu xiligan marayso 117 sanadood oo fadhiga golaha Wakiilada ka hadlay ayaa kula dardaarmay golaha wakiilada Somaliland inay dib u eegaan xilka saaran iyo dulqaadka looga baahan yahay xubnaha golayaasha baarlamaanka ee kala duwan
Guji Halkan oo ka Dhagayso Mobilkaaga Gudoomiye Cirro iyo Xaaji Cabdi Waraabe
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GolahaiyoGo’aankii.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
