|

Golaha Wakiilada Somaliland oo 4 xubnood oo ka tirsanaa ka xayuubiyay xubinimadoodii

Hargeysa 29, September 2012 (SDN)- Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta xubinimadii golahaas ka xayuubiyay afar mudane oo ay sheegeen in 20 Kal-fadhi oo isku xiga aanay ka soo xaadirin fadhiyada golahaas.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiilada, ahna kusimaha guddoomiyaha Bashe Maxamed Faarax oo uu fadhigii maanta mudaneyaasha ka hor akhriyay magacyada afartaas mudane, kuwaasoo uu sheegay in xubinimadoodii ay ku waayeen ka dib markii ay sida uu dhigayo xeer hoosaadka aqalkaasi ay maqnaadeen labaatan kal-fadhi oo xidhiidh ah.

Xubnaha golaha laga saaray ee lagu anshax-mariyay qodobada xeer-hoosaadka golahaas, waxay kala yihiin; Ikraan Xaaji Daauud, Axmed Maxamed Cali, Mahdi Xaaji Xasan Sugaal iyo Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in iyadoo laga duulayo qodobka 14aad farqadiisa labaad ee xeerka doorashooyinka golaha Wakiilada Xeer No 20/2005, uu Shirguddoonka golaha Wakiiladu u gudbin doono Doorashooyinka Qaranka, si ay u soo buuxiyaan xilalka banaanaaday laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 29 September.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed