|

Madaxweynaha Somaliland oo dhambaal tacsi ah u diray qoyska marxuum Xaaji Jaamac Maxamed (Caamiye) oo ku geeriyooday UAE

Hargeysa 29, Sept.2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska uu ka baxay marxuum Xaaji Jaamac Maxamed (Caamiye) oo ku geeriyooday dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Illaahay uga baryay inuu u naxariisto, wuxuuna tilmaamay in marxuumku ka mid ahaa aasaasayaashii tacliinta Somaliland, wuxuuna dhambaalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Tacliinta, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid MARXUUM, XAAJI JAAMAC MAXAMED (CAAMIYE) oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Taclinta Somaliland, oo jimcihii ku dhintay Imaraadka Carabta (Cajman)

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Tacliinta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed