|

Golaha Wakiilada oo Meel mariyay Qorshe Hawleedka ay ku Shaqayn doonaan ilaa 2015,Beri oo dawladu Sheegtay in dib loo dhigay Fasaxii Sanadka Cusubna iyagu fasax galay

Hargaysa 31.Dec 2013 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa Fadhigoodii Maanta Waxay ku ansixiyeen Qorshe Hawleedka Guud ee Golahoodu Ku Shaqayn doono Sannadaha 2013 ilaa 2015ka.

wakiiladaFadhigan oo ka qabsoomay Xarunta Golaha Wakiilada waxaa Shir Gudoominayay Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro),Waxaana ka soo Xaadiray  45 Mudane.

Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa Mudanayaasha u Soo Jeediyay in loo Codayn doono Qorshe Hawleedka uu goluhu ku Shaqayn doono Sannadaha 2013 oo haatan dhamaaday iyo  2015ka oo ah Wakhtiga uu Mudo Xileedka Golaha Wakiiladu ku eeg yahay .

Waxaana ogolaaday in la ansixiyo qorshe hawleedkan 41 mudane,Waxaa diiday 2 mudane,Waxaana ka aamusay 1 mudane

Intaas ka dibna Gudoomiyaha ayaa ku dhawaaqay natiijadan isagoo sheegay in sidaas uu ku ansaxay qorshe hawleedka  Goluhu.

Gabagabadii waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in barito ay tahay sanadkii cusbaa sidaa daraadeed uu Goluhu fasax yahay waxaana uu fadhigan kan xigaa noqon doonaa maalinta sabtida  ee bishu tahay 04/01/2013.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Sidaas ayuuna kusoo xidhmay fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladu.

Comments are closed