Uncategorized

Golaha Wasiiradda Cusub Oo Dhambaal Soo Dhaweyn ah Ka Helay Xubin Mumiim Ka Mid Ahayd Xukuumaddii Saacid

Muqdisho:18-Jan-2014 (SDN)-Waxa Markii ugu horraysay Hadal ku Saabsan Golaha Wasiirrada Cusub ee Dhawaan la Magacaabay laga Maqlay mid ka mid ah Golihii wasiirrada ee Xukuumaddii Saacid.

qaasimiDr Maryam Qaasim Axmed oo horre u ahayd wasiirka adeegga Bulshada Xukuumaddii horre ayaa ka hadashay sidda ay u aragto wasiirada cusub ee uu soo magacaabay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso golaha wasiirrada ee uu soo dhisay Ra’isulwasaaraha kuwaasoo kooban 25Wasiir, Shan Wasiirudowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen.

War gaaban oo ay soo dhigtay barta ay ku lee dahay Facebook, ayey ku tidhi “Waxaan aad u soo dhaweeynaaya wasiirada, wasiiro ku-xigeenada iyo wasiiru- dawlayaasha. Waxaan Rabbi uga baryaaya in uu u fududeeyo hawsha baaxadda leh ee hortaalo. Aamiin.”

Dr. Maryama aya siddoo kale tidhi “Carruurta iyo hooyooyinka soomaaliyeed meel weyn ayey ag-teyda ka joogaan, mar walbana inta karaan keyga ah waan u khidmeyn doonaa, haddii Rabbi idmo.”

Maryan Qaasim ayaa ka mid ahayd wasiiradii howllaha muhiimka ka qabtay xukuumadii Saacid, waxaana dad badan ay isweediyeen sababta keentay in aanay lagu soo dirin xubnaha cuusb, waxase la Hubaa inay ka mid noqotay xubnihii ugu dambeeyey ee liiska laga Saaray Xilliyadii muranku ka Taagnaa  Labada Masuul dhexdooda.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com