|

Gollaha Amaanka oo dhegeystay warbixin ku saabsan Laascaanood

NY Feb 23, 2023 (QJ) – Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Kiki Gbeho ayaa Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey uga wartay xaalada Magaalada Laascaanood

Hadalkeedan waxa ka mid ahaa “Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaa weli ka socda dagaalladii ka bilowday 6-dii bishan February, waxaana ay sababeen baahiyo bini’aadantinimo oo kordhay. Qiimayn ay sameeyeen hay’addo iskudhaf ah ayaa sheegaysa in in ka badan 185,000 qof ay barokaceen, iyada oo 89 boqolkiiba ay yihiin haween iyo carruur dadka barokacay. Ugu yaraan 63 qof oo rayid ah ayaa la dilay in ka badan 363 ayaa dagaalada ku dhaawacay. Waxaa socda dadaalo lagu joojinayo dagaalka, balse xaalado ay ka mid yihiin beegsiga kaabayaasha dhaqaalaha ayaa weli ah qaar laga naxo. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku celiyo hadaladii hore ee Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah ee cambaareynaya rabshadaha, iyagoo ku baaqaya in xiisadaha siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, iyo baaqa ah in gargaar bini’aadantinimo oo aan caqabad lahayn si degdeg ah wax looga qabto baahiyaha barakacayaasha iyo kuwa ay saamaysay.”

Hadalka Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Kiki Gbeho ayaa u muuqda qaar culeys lagu saarayo xukuumada mudo xileedkeedu dhamaaday ee Muuse Biixi.

Waxa hadalku sidoo kale uu ku soo beegmayaa xili dagaalada Laascaanood ay socdaan sadex todobaad.

Comments are closed