|

Xildhibaano ku eedeeyay Muuse Biixi denbiyo dagaal

Mogadishu Feb 21, 2023 (QJ) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa ku baaqay in uu baaritaan lagu sameeyo, isla markaana uu wax laga qabto dhibaatooyinka ka taagan Magaalada Laascaanood.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu amar ku bixiyay in la weeraro magaalada Laascaanood.

Xildhibaan C/llaahi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha ka hadlay arrintan ayaa ka warbixiyay fal dambiyeedyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Laascaanood, isla markaana loo baahan yahay in Muuse Biixi lala xisaabtamo.

Waxa uu sidoo kale ku andacoodey in Somaliland ay qorsheyneyso in ay godoomiso magaalada Laascaanood, iyadoo loo diidayo dadka deegaanka inay helaan waxyaabaha aasaasiga ah.

Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Somaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha baarlamaanka kana soo jeeda Gobolka Sool, C/laahi Bidhaan, ayaa dawladda Somaliya u soo jeediyay inay garab istaagto bulshada SSC, isla-markaana ay ka hortagto inay Somaliland qabsato Sool.

Waxa uu shaaca ka qaaday in kumannaan qof lagu dilay magaalada Laascaanood, iyagoo difaacaya qarannimada dalkooda.

Xildhibaan Bidhaan ayaa soo jeediyay in Baarlamaanku canbaareeyo Somaliland.

Comments are closed