Saylac 15.June (SDN) Xubnaha 17-ka ah ee Golaha deegaanka Degmada Saylac ayaa maanta yeeshay kalfadhigoodii ugu horeeyey tan iyo intii ay Somaliland ka qabsoontay doorashadii Golaha Deegaanada.
Sida uu ku soo waramayo weriyaha qurbejoog ee Gobolka Salal Kalfadhigan maanta oo uu shir gudoominayey badhasaab ku xigeenka Gobolka Salal Md Cali Allaale rayaale ayna soo xaadireen 11 xubnood oo ka mid ah xubnaha golahaasi ayaa waxaa lagaga hadlay isla markaana la isla qaatay arimo ay ka mid yahiin
· In dib loo Doorto Mayor iyo Mayor ku xigeen
· In la sameeyo guddi hoosaadadii golaha deegaanka ee arimaha dhaqaalaha, Nabadgelyada, arimaha bulshada iyo dhul bixinta.
Dhanka kalena guud ahaan gobolka Salal waxaa si rasmi ah ugaga bilaabmay imtixanaadkii shahaadiga ahaa si la mid ah sida uu uga bilaabmay guud ahaan Gobolada Somaliland.
Saylac SDN.
Qurbejoog.com
