|

Guddida Diwaangalinta ururada siyaasada xaalkoodu wuxuu ka dhiganyahay macalin imtixaan u yeedhiyay ardaydii oo sheegay tirada dhacday iyo tirada baastay, maadooyinkiina aan sheegin siday u kala keeneen

Anigoo ah ninka magaciisu kor ku xusan yahay aan kana tirsanayn 15 urur siyaasadeed ayaan waxaan halkan kusoo gudbinayaa maqaalkan oo ah fikirkayga ,oo kahadlaaya natiijadii gudida diwaangalintu ku dhawaaqeen anigoo xaaladan u darsay hab sharci ah .
gudida diwaangalinta ururada siyaasadu waa gudi qaran oo ku dhisan hab sharci ah .gudidadan waxa sharciyadooda qaanuuneed iyo awoodahooda ,shaqadooda ,iyo qaab dhismeedkoodaba waxa nidaminaaya xeerka nidaamka ururada iyo ansixinta xisbiyada qaranka xeer no: 14/2011 .xeerkan oo ka kooban sadex qaybood oo kala ah
1)  qaybta koobaad gudida diwaangalinta ururada siyaasada
2) qatbta labaad diwaangalinta ururada cusub iyo qaabka ay sharciyan umarayaan shuruudaha ururnimo.
3) qaybta sadexaad waxa ay ka hadlaysaa sadexda xisbi qaran ee soo bixidoonaa tartanka doorashooyinka deegaanka kadib .
hadaba gudidan oo ka kooban todoba xubnood oo uu magacaabay madaxweynuhu baarlamaankuna ansixiyeen oo ah gudi madaxbanaan ayaa hawlahooda bilabay bilowgii sanadkan sida la ogyahay gudidani waxa ay shaqadooda ku salaynayeen xeerkan ay ku dhisanyihiin . hadaba sida laga warhayo gudidani ilaa bilowgii ay hawshan bilaabeen waxa soo baxaaydhaliilo shaqo iyo mid sharci oo ku gadaanaa shaqadooda iyagoo mararka qaar jabinaayey qodobo xeerka ah ama aan si toos ah udabaqayn qaarka mid ah qodobada xeerkan ay ku hawlgalaayeen .tanina waxa ay keentay in ay soo saaraan natiijo aan ku salaysnayn xaaqaaiq iyo qiimayn rasmi ah oo ucuntanta dhamaan shacabka somaliland iyo ururadii hadhay iyagoo ku guuldarystay in ay soo saaraan natiijo cad oo hadii ururada hadhay ku qanciwaayaan qancisa umada reer soomaliland .
sida ku  xusan sharcigan xeer lanbar 14/2011 waxa laga rabay ururada cusub shan shardi oo kala ah .
1 ku dhawaaqista urur siyaasadeed .iyo in gudida uu iska diwaangaliyo
2 in ay ururadu bixiyaan 150 milyan oo cashuur ah .
3 in urur kastaa ka furto 23 degmo ee golyaasha deegaanka leh xafiisyo .
4 in ururkasta keeno kun qof oo diwaangashan  lixda gobol ee dalka usoo gudbiyo gudida iyagoo liisaskooda ay ku xusntahay aqoonsigoodii dhalasho ama kaadhkii codbixinta .
5 in ururkastaa qabsado shirweynihiisii una soo gudbiyaa gudida xeerka ururka ,barnaamijka ururka xubnaha golaha dhexe gudida fulinta iyo hogaanka ururku udoortay hogaaminta ururka .
sidaynu wada ognahay ururadu dhamaantood way mareen labadii wareeg ee looga baahnaa in la qiimeeyina waa waajib saaran gudida iyadoo loo baahanyahay in ururkasta la sheego shantaa shardi intuu buuxiyey iyo intuu dhimay in ururadu ku qanciwaayaana najiijada qiimaynta marka sicad loo maro wadada sharcigu jeexo .
sidaynu ognahay 20 bishan april 2012 gudidu waxa ay ku dhawaaqaan najiijo ay ku sheegeen in lix urur soo baxeen sagaalna ay hadheen iyagoo aanay goob  joog ahayn madaxda ururadu saxaafadana aanay usheegin urur kastaa qiimayntii shanta shardi inta ururkastaa ka keenay .
hadaba ma nidaambaa ma cadaladbaa in gudidu tidhaahdo lixna way soo baxeen sagaalna way hadheen waliba xafladii ku dhawaaqistooda ay yidhaahdaan lixda soo baxay sidaanu uyeedhinaynaa ma aha siday ukala sareeyeen . miyaanu xaalkoodu noqonayn maamule iskuul oo ardaydii uyeedhiyey imtixaankii teeramka sheegayna in intaasina dhacday intaasina baastay inta dhacdayna isku derejo ayay keeneen inta baastayna isku darajo ayay keeneen darajadiina aanu sheegin .
hadaba gabogabadii waxaan usoo jeedinayaa gudida diwaangalinta ururada in ay si degdedga shacabka reer somaliland ugu soo bandhigaan natiijada ururkastaa ka helay shantaas shardi ee sharcigu faraayo siday lixda soo baxay ukala sareeyaan sida sagaalka dhacay ay ukala sareeyaan iyo sababta ayku dhaceen .
sidoo kale waxaan usoo jeedinayaa sagaalka urur in ay joojiyaan mudaharaadka ay ku baaqayaan oo ay culays kusaaraan gudida in la qanciyo ayna umaraan maxkamada dalka iyagoo ka dalbanaaya in aan lasiinin najiijadii shanta shardi .

garyaqaan siciid cabdilahi xuseen (geeljire)
25224109396

Comments are closed