|

Wasiirka Wasaarada Cadalaada Somaliland oo Tiro Suxufiyiin ah aqoon isweydaarsi u soo Gunaanaday

Hargeysa April 30,2012(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada ee Somaliland Mudane Md Xuseen axmed caydiid ayaa maanta u soo xidhay in ka badan soddon xuxufi aqoon iswaydaarsi ku saabsan doorka saxaafadda ee ilaalinta xuquuqda cauruurta kaas oo mudo laba cisho ah ka socday huteelka Empirical ee magaalada hargeisa.

Soddonkan suxufi oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka, ayaa waxaa halkaas ka hadlay wasiirka caddaaladda Somaliland md xuseen axmed caydiid waxaanu sheegay inaynu leenahay xeer lagu dhaqo caruurta oo damaanad qaadaya xuquuqdooda, kaas oo duruufo kala duwan soo maray, isla markaana loo baahan yahay dhaqangalkiisa.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland waxa uu xusay in aqoon korodhsigan labadii maalmood ah ee uu socday ujeedada ay ka lahaayeen ay tahay sidii ay saxaafaddu wax ka ogaan lahayd xeerka caruurta sharciga khilaafta, waxa kale oo uu wasiirku xusay inay wax ka dhiman yihin dhaqan galka xeerkan oo u baahan dhamaystirkiisa, kaasoo ah xarumihii dhaqan- celinta caruurta sharciga khilaafta oo aan dhisnayn, iyadoo xeerku uu jidaynayo ayuu yidhi inay jiraan saddex xarumood oo kala darajo ah oo amaankooduna kala duwan yahay oo lagu kala hayo caruurtaas, isagoo wasiirku intaa raaciyey inay ku hawlan yihiin dhamaystirka xarumahaasi si xeerkani uu si buuxda ugu dhaqan galo.

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu qaybaha warbaahinta ee kulankaas ka soo qayb galay uu dareensiiyay waajibaadka suxufiyiinta ka saaran ilaalinta xuquuqaadka aasaasiga ah ee caruurta isagoo u rajeeyay in aqoonta ay labada cisho ka korodhsadeen tababarkan ay ku dabaqaan hawlaha warbaahineed ee ay ummada u hayaan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Axmed Kayse oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Wasaarada Cadaalada iyo mas’uul ka socday hay’ada Unicef oo tilmaamay doorka warfidiyeenada ka saaran ku baraarujinta bulshada gaar ahaan wax kasta oo ka hor imanaya xuquuqaadka aasaasiga ah ee Caruurta.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed