Hargeysa, 05, May 2012 (SDN)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo muddooyinkii u dambeeyay dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa saaka lagu soo dhaweeyay madaarka Egal International Airport.
Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay qolka nasahada ee madaarka ayaa ka warbixiyay ujeedooyinkii safarkii uu muddada ugu maqnaa dalalka Yurub, waxaanu xusay inay ugu waawayn wada-hadalka ay Somaliland la galayso dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay mawqif ka yimi beesha caalamka.
Guddoomiyaha oo warbaahintu wax ka waydiisay in xilliyadii ay xisbigiisa ka maqan tahay doorkii mucaaradnimo, isla markaana ay xukuumadda isku siyaasad dhaw yihiin. Waxa uu sheegay in arrintaas aanay waxba ka jirin, waxaanu dhaliilay maamulka Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid lumiyay kalsoonidii umadda, isagoo xusay in xaaladda dalku haatan meel xun marayso.
SDN, Hargeisa
