Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo xalay Gurigeeda ku booqday Xaaskii Marxuum C/laahi Oomaar

Hargeysa, 05, May 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay Xarunta Qasriga Madaxtooyadda dibada uga baxay.

Madaxweynaha oo ay Wehelinayeen Marwadda Koowaad Aamina Xaaji maxamuud Jirde iyo Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta Sare Marwo samsam Cabdi Aadan, ayaa Gurigeeda Magaalada Hargeysa ay ku booqdeen xaaskii Rabbi Naxariistii janno ha ka waraabiyee Cabdilaahi Oomaar oo ka mid ahaa Ganacsatadii waaweynaa ee reer Somaliland oo dhawaan geeriyooday.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyada oo la xidhiidha booqashada Madaxweynuhu booqday Sahra Cabdiqaadir oo ahayd Xaaska Marxuum Cabdlaahi Oomaar, hase warar xogo-gaal ah oo Wargeysk waaheen helay ayaa sheegay in Madaxweyne iyo xubnaha la socday ay mudo saacado ah la joogeen qoyska ay booqdeen, isla markaana ka bixitaankooda madaxtooyadu ahaa mid kedis ah oo aanay ka war ahayn Ilaalada madaxtooyada qayb ka mid ah, saacado ka dibna laga ogaaday xayndaabka madaxtooyada inuu maqanyahay.

Maaha markii ugu horeysay ee uu madaxweynaha Somaliland qasriga Madaxtooyada dibada uga baxo, balse waa markii saddexaad ee tan iyo markii xilkan madaxweynenimo loo doortay si tamashle ah uga soo baxo daarta dalka laga maamulo, isla uu booqdo goobo kala duwan oo ka mid ah Magaalada Hargeysa, waxaanay taasi muujinaysaa sida uu ugu kalsoonyahay nabad gelyada buuxda ee ka jirta Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

SDN, Hargeisa

Source Waaheen.