|

Guddoomiyaha Dhalinyarada Somaliland ee Canada oo Hambalyo u diraya Somaliland

Ottawa Nov 29,2012(SDN)-Anigoo ku hadlaya magaca dhalinyarada Somaliland ee dalka Canada, Ottawa  iyo dhamaan jaliyada Somaliland ee magaladan Ottawa waxaanu hambalyo balaadhan u diraynaa dhamaan shacabka Somaliland iyo inta gobol ee ay Somaliland ka koobantahayba siddii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee ay ugu soo dareereen doroashadii golaha deeganka taas oo aad arkaysay muwaadinnimada ka muuqata shacbiga Somaliland iyagoo aan habeenkaas oo dhan seexan qaarkoodna ay dulseexdeen safafka hore si ay u codeyaan.

Waxan leeyahay waa guul inoo soo hoyatay aniguna marwalba garabkiina ayaanu nahay farxadkastana waanu inla wadaagnaa waxaan leeyahay marlabaad hambalyo reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa shacbiga Somaliland halkaas kasii wadda dadaalkiina ha ka niyad jabina halkaas ka sii wadda dadaalka Somaliland guul shacbiga Somaliland guul  allow dhawr Somaliland allow hareermari dhibatooyinka hareeraheeda ka socda amiin amiin wabilaahi tawfiiq ….

By guddoomiyaha dhalinyarada Somaliland Canada, Ottawa Mr.: Mohamed Ahmed Cige (Mohamed case)

Comments are closed