|

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee UK oo hambalyeeyay reer Somaliland

London Nov 29,2012(SDN)-Gudoomiyaha bahweynta xisbiga UCID ee Waddanka UK, ayaa hambalyo iyo bogaadin u marinayaa mareegtan dhamaan shacab weynaha reer Soomaaliland meelkasta ay joogaanba, komishanka, xukuumada, xisbiyada iyo ururada ka qayb qaatey doorashada, waxaan leeyahay HAMBALYO HAMBALYO.

Ilaahbaa mahada kobaad leh nabada inoogu dhameeyey doorashadii shalay (28/11/12) ka dhacday guud ahaan dalkeena. Waxaase xusid muddan doorka shacabku ka qaateen doorashada iyo sidii wadaninimada lahayd ee ay u dhiibteen codkooda iyagoo aaminsan inay awooda isbedelka ilaahay kasokow gacantooda ku jirto oo ay ku bedelikaraan kuna doorankaraan masuulka ay u arkaan inuu danta dalka iyo dadkaba gudan karo.

Mahadcelin mug leh halkan waxaan sidoo kale uga marinayaa dhamaan masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga UCID sidda sharafta leh ee qof walba xilkiisa u gutey haday noqoto howlqabasho iyo codaynba.

Taageerayaasha UCID waxaan leeyahay UCID way soo baxaysaa waayo ilaahay cadaalada ayuu jecelyahay, seeska iyo himilada UCIDna waa caladaalad waarta oo dalka lagu dhaqo markaa UCID iilanmayso ee aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin codkiina iyo kalsoonida aad noo haysaanba.

ALLA WEYN NINKII AAMINA AWOODLEH…UMMAD WALIBA AYAHEEDA INAY GARATO IYADAA LEH

MUHAMAD JAMA KOODBUUR –SHIINE

GUDOOMIYAHA UCID EE UK

Comments are closed