Uncategorized

Guddoomiyaha UCID oo sheegay in shirka Muqdisho ka socdaa sii hurinayo colaada Soomaaliya, kana hadlay in Madax-dhaqameedyo reer Somaliland ahi hungureeyaan ka qaybgalkiisa

Hargeysa 14, May 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa  hadimo ku tilmaamay in madax-dhaqameedyo reer Somaliland ahi hungureeyaan ka qaybgalka shirka lagaga hadlayo ansixinta Distoorka Soomaaliya ee ka socda caasimadda dalkaas ee Muqdisho.

Eng. Faysal-waraabe oo warbaahinta  ugu warramay shalay xafiiska xisbigiisa ee caasimadda Hargeysa, waxa kale oo uu fidmo ku sheegay shirka ka socda Muqdisho ee la doonayo in lagu soo xulo xubno asnixiniya dastuur qabyada ah ee  loo samaynayo dalka Soomaaliya, wuxuuna ku dooday in shirkaasi aanu xal u soo wadin Soomaaliya oo 21 sanadood dagaalo ka socdeen. “Annagu waxaannu u aragnaa shirka la leeyahay waxa ka qaybgalaya odayaal-dhaqameedyo in uu yahay mid lagu hurinayo colaadda Soomaaliya, sababtoo ah dastuurka hadda la samaynayo ummaddu raalli kama ah oo dad gaar ah ayaa daba ka wata. Dastuurkaasi ma aha mid hadda bilowday ee ilaa shirkii Carta ee sannadkii 2000 ayuu soo socday, waxaannu qayb ka yahay heshiiskii Kampala (caasimadda dalka Uganda), markaa maxaa hadda keenay in la yidhaa waxa ka qaybgalaya odayaal ka socda Somaliland? Waa arrin hadimo ah, waanna khiyaamo qaran ciddii Somaliland ka socota ee shirkaas ka qaybgasha,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Eng. Faysal waxa kale oo uu ka hadlay wadahadalka la filayo inuu dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in Somaliland diyaar u tahay caawimada walaalahooda Koonfureed. “Annagu diyaar baanu u nahay in aan caawino walaalahayo Soomaaliya, laakiin maaha inay wax maldahan meesha la yimaaddaan. Shirkii Londan wuxuu ahaa in ay wadahadlaan dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, ee may ahayn in Puntland lala xaajoodo. Waxaannu kala fahmi la’nahay dawladdii ku-meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo maamulkii Puntland. Miyey siman yihiin Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland? Manta way siman yihiin sida muuqata; ra’iisal baarlamaanka iyo madaxweynuhu way siman yihiin, ma jirto kala sarrayn xaggaa awoodaha ah, waanan la yaabaa walaalahayaga Soomaaliya,” ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay jecel yihiin in Soomaaliya ka baxdo dhibaatooyinka muddada dheer haysta, nabad iyo xasiloonina ay helaan, maadaama sida uu xusay ay qaxooti badan oo Soomaaliya ka yaacay ku nool yihiin Somaliland.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com