Uncategorized

Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo booqday Berbera

Hargeysa, 14, May 2012 (SDN)- Safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland Bereha Tesfay iyo xubno kale oo la socday ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.
Safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo xubnaha kale ee la socday. Waxa magaalada Berbera ku soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka iyo degmada oo uu weheliyo maareeyaha dekeda Berbera.

Weftigan uu hogaaminayay safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa soo kormeeray dekeda Berbera, iyaga oo sidoo kale kulan kula yeeshay xafiiskiisa maareeyaha dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland waxa uu sheegay in u jeedada socdaalkiisu tahay sidii uu xog ogaal ugu noqon lahaa guud ahaanba xaalada magaalada ay dekedu ku taallo ee Berbera. Sida arrimaha nabadgelyada, dhaqdhaqaaqa dekeda iyo sida ay yihiin hawl socodsiinta dekeda iyo halka ay marayaan hawlaha raashinka gargaarka ee hayadaha qaramada midoobay ugu deeqeen dadka abaaruhu wax yeelayeen eek u dhaqan dalkaasi Itoobiya.

Safiirku waxa uu ka waramay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dale e Somaliland iyo Itoobiya iyo sida loogu baahan yahay in mar walba la sii xoojiyo.

SDN, Berbera