Uncategorized

Guddoomiye Cabdoo Aayar Oo Dhaliilay Mucaaradka Somaliland

Borama:16-Oct-2013(SDN)- Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar, ayaa Mucaaradka Somaliland Ku Eedeeyey qaar hortaagan horumarka waddanka  ay Xukuumaddu ka waddo.

aadyarCabdoo Aayar     oo Maalintii shalay ka hadlayey munaasibadda Ciidal Adxaha, ayaa sidoo kale soo dhaweeyey in Bulshadu gacmaha is qabsato oo hirgeliso mashaariicda lama huraanka ah ee dalku u baahan yahay.

Guddoomiye Cabdoo Aayar ayaa ugu horrayn carrabka ku adkeeyey Horumar ballaadhan oo uu sheegay in dalka laga wado, waxana uu si gaar ah u xusay horumarka  waddooyinka Gobolka Awdal, “Waa hubaal in Boorama ay tahay meeshii bilawday in dadku wax qabsan karo oo wadooyinka la dhisto oo dalku isku xidhmi karo, iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay xukuumadu u xadhko xidhatay in dalka miyi iyo magaalaba ay isku xidho oo jidadka wax badan ka qabato, waxa ay ka bilawday jidka isku xidha Buro iyo Ceerigaabo, waxa u qorshaysan inay ku xijiso kan isku xidha Boorama iyo Saylac, waxa ay kab ku samaynaysaa kan isku xidha Dila iyo Kala-baydh.” Ayuu yidhi Cabdoo Aayar.

Guddoomiye Cabdoo waxa uu dhaliilo dusha ka saaray  mucaaradka somaliland, waxana uu yidhi, “Axsaabka Mucaaridka ah waxa ay ka soo hor jeesteen in wadooyinka dalka la dhiso, taasna looma baahnay, waxana ay ahayd inay taageeraan hadii ay dhaliil hayaana inay ka muujiyaan si loo saxo oo loo sii amba qaado dhismaha jidadka, laakiin looma baahnayn inay ka soo horjeestaan, waxana hubaal ah inaanu qarana jiri karin hadii aanu hormar jirin”

Cadboo Aayar oo fasiraad ka bixinaya Burburka Waddooyinka iyo khasaaraha ay gaadiidka gaadhsiiyaan, ayaa yidhi, “runtii dadka leh cashuur baa la kordhiyay miyay u fiirsadeen qasaaraha baabuurta soo gaadha marka ay marayaan inta u dhaxaysa Dila iyo Boorama, taasi oo kun jeer ka badan saamiga cashuurta ah ee ay xukuumadu kordhisay si wax looga qabto wadooyinka dalka ee qalin daarka ka daaya hormarka dalka iyo dhismaha jidadka”

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com