|

Xasan Sheekh Oo Soo Gaabiyey Safarkiisii Addis Ababa Iyo Warwar Uu Ka Qabo Ansixinta Xukuumadda Maanta Golaha Shacabka la Horkeeni doono

Muqdisho:Jan,31,2015(SDN/QJ)-Iyadoo maanta la filayo in xukuumadda Cusub ee Ra’isal wasaare Sharma’arke la horgeyn doono Golaha Shacabka, ayaa si cadaadiska loo yareeyo waxa uu  Madaxweyne Xasan Sheekh Soo Gaabiyey safar uu ku joogay Magaalada Addis Ababa oo ku saabsanaa Shi-madaxeeka Midowga Afrika.

safarkShir madaxeedka Midowga Afrika oo laba maalin ahaa, isla markaana Khudbad jeedintiisa ay aheyd maanta ayaa la sheegay in Madaxweynuhu arrimo xasaasi ah uu u soo afjaray.

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo laba maalin ahaa, isla markaana Khudbad jeedintiisa ay aheyd maalinta ayaa si rasmi ah loo ogeyn sababta madaxweynaha u soo gaabiyay safarkiisa inkastoo ay jiraan warar sheegayaan in maanta Xukuumadda la horkeeni doono Golaha Baarlamaanka, isla-markaana uu yaraynayo Cadaadiska Goluhu ku hayaan Ra’isal wasaaraha.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyay in maanta la horkeenayo Xukuumada cusub iyo barnaamijkeeda, iyadoo marka la eegayo, maadaama ay ku egtahay mudadii 14-ka cisho ee uu horay Ra’iisul Wasaaruhu u qabsaday inuu Xukuumad ku soo dhisayo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo shalay u gudbiyay Gudoonka mooshin ay ku codsanayeen in Xukuumada la horkeeno maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 31-January oo maanta ah, ayaad moodaa in codsigaas uu Gudoonka Baarlamaanku aqbalay.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa 27-kii bishan soo magacaabay Xukuumad ka kooban 20 Wasiir, oo dhamaantood ah wajiyo cusub oo aanay ku jirin Xildhibaano iyo wasiiradii hore midna, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu dib u dhigay Wasiir kuxigeenadii iyo Wasiiru dowlayaashii oo uu sheegay inuu dib ka soo magacaabi doono.

Xukuumadda wajiyada cusub leh ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa soo dhoweeyay Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Midowga Afrika oo aanay hore u taageerin Xukuumadii 12-kii bishan uu Ra’iisul Wasaaruhu soo dhisay, balse markii mucaarado badan ay ka hor-yimaadeen uu la laabtay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed