|

“Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee” Madaxweyne Siilaanyo {DAAWO/DHAGAYSO}

Hargaysa 31.May 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa daboolka ka Qaaday in aanu Jirin Heshiis hoose oo dhex maray Isaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi,Isagoo ogolaaday inuu Muuse Biixi kula Tartamo Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee lagu Jaangoynayo Murashaxa Xisbiga ee doorashada soo socota.

Waxaa kale oo Mudane Siilaanyo Xusay in Isaga iyo Shacabigaba aanay baqo gelinayn Shaani Meel lagu Qarxiyo isagoo u duur xulay in ragii damaca siyaasi lahaa ee rajada ka qabay inay dalka xukumaan lagu eedeeyo falalka dhacay,Madaxweynaha Somaliland Waxaa kale oo uu Fariin u diray Ergadii Guurtida oo uu sheegay inuu uga mahadnaqayo Hawshi ay galeen Wixii haatan ka danbeeyana lagu kala bixi doono Shuruucda iyo Xeerka Xisbiga Kulmiye.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA MADAXWEYNAHA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Madaxweynaha31M.mp3″]

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed