|

Maxaa laga fahmi karaa isku-shaandhaynta Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland wuxuu maanta sameeyay isku shaan dhayn iyo xil ma qaadis uu ku sameeyay Golaha Wasiirada iyo sidoo kale hay’adaha kale ee xukuumaddiisa hoos taga,

Isku-shaandhayntan ayaa ahayd mid aanay iska dhex arag wajiyo in badan taageero u muujiyay madaxweynaha Somaliland, balse halkooda looga dhaqaaqi waayay iyadoo bilihii ugu danbeeyay ee muddo xileedkiisa uu ku jiro Muuse Biixi.

Dadka wax falan qeeya ayaa isku shaan dhaynta maanta uu sameeyay Muuse Biixi ku fasirtay mid uu ku rabo in uu ku samaysto xulafo kale oo beeleed una babac dhigta mucaaradada kaga imanaysa Waddani iyo UCID. Tusaale ahaan madaxweynaha ayaa la sheegay in uu qanciyano Beesha Arab, si uu mar kale u helo taageerada beeshan oo ku hun gawday sidii ay dhiiga ugu shubeen xisbiga Kulmiye ugana leexdeen mucaaradka iyo beesha Garxajis ee taageerada u ah mucaaradka Somaliland.

Dhawaan ayay ahayd markii badi madaxda dhaqanka ee beesha Arab ay diiday kulan uu ugu yeedhay Muuse Biixi, taas oo ahayd farriin cad oo muujinaysa sida ay beeshu ugasoo hor jeedo xukuumadda oo aanay waxba ka helin shantii sanno ee Muuse Biixi.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa bilaabay qorshe uu meesha kaga saarayo masuuliyiinta Garxajis ee xukuumaddiisa kuwaas oo aan wax taageero ah uga keenin beeshaas, ama saamayn ku lahayn, isagoo imika ka bilaabay gudoomiyihii hay’adda caymiska.

Comments are closed